Dawladda hoose ee Berberina ha iibsato gurigii moofada Boodhari

0
472

Dawladda hoose ee Berberina ha iibsato gurigii moofada Boodhari

Gurigii caalamkii caanka ahaa ee reer Marooko Ibnu Khalduunm , ayay qoyskii dhaxley sheegeen in ay iibinayaan. Arintan ayaa Baraha Bulshada ka dhalisay hadal-hadayn badan iyada oo dadka reer Marooko qaarkood soo jeedinayaan in ay dawladdu la wareegto oo lagu daro goobaha taariikhiga ah ee dalkooda.

Haddaba sheekoba sheeko ayay keentaaye, dhawaan ayaa guriga taariikhiga ah ee lagu xasuusto moofadii boqorkii jacaylka ee Somaliland Cilmi Boodhari oo ku yaal xaafadda Daroole ee magaalada Berbera dadkii lahaa ay codsadeen in laga tirtiro magaca Boodhaari maadaqa sidey sheegeen meeshaa sannadkasta dad badani sawirro ku galaan.

Dawladda Hoose ee Berberi waxa la gudboon in ay gurigaa iibsato oo dayactirto una diyaariso sidii goob dalxiis, maadaama dad badani isaga aawadii Berbera usoo booqdaan.

Arrinkaasi wuxuu ka hortegi doonaa in gurigaa taariikhda wayn uu iibsado qof shacabi oo uu dhalan rogo taariikhdaa faca wayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here