DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA OO DIGNIIN U DIRTAY GANACSATO DAWOOYIN DHACAY KU QUBATAY MAGAALADDA

0
275

Xoghayaha dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa Axmed Maxamed C/laahi (Derajo), ayaa digniin adag u diray ganacsatadda iyo farmsiiyadda magaaladda Hargaysa oo uu sheegay in ay daawooyin dhacay ku daadiyeen meel magaaladda dhexdeeda ah.

dawooyin-dhacay

Axmed Derejo, waxa uu sheegay in daawooyinkaasi dhacay lagu daadiyay xaafadda Masalaha galbeed ee

Xoghayaha Dawladda Hoose Hargeysa waxa uu qayrul masuul ku sifeeyay dadkii dawooyinkaas dhacay magaaladda ku dhex daadiyay “Waa arrin aad iyo aad u xun, oo duulimaad ku ah caafimaadka bulshadda. Goobta lagu daayiyay daawooyinkani dhacay, waa magaaladda badhtankeedii, waana meel banaan ah oo ay cid waliba arkayso. Halkii ay ahayd in in marka daawadu ay dhacdo in ganacsatadda ama farmasiileyaashu ay iyagu ku gubaan meel magaaladda ka baxsan ama ay dawladda hoose ku soo wareejiyaan.”

Sidoo kale xoghayuhu waxa uu u soo jeediyay ganacsatadda daawooyinka iyo farmasiileyaashaba in marka ay daawooyinku ay ku soo wareejiyaan dawlada hoose ay iyagu meel magaaladda ka baxsan ku gubaan. Waxaanu sheegay in cidii falkaasi oo kale ku taaabsata hada wixii ka danbeeya lagu qaadi doono fal-danbiyeed.