Dawladda Imaaraadka Carabta oo gurmadii u horeeyey oo raashin ah soo gaadhsiisay dadka abaaruhu saameeyeen iyo Safiirka Imaaraadka oo ku wareejiyey Guddida Abaaraha iyo Xafiiska Samafalka.

0
339

Berbera (Ceelgardinews.com) ) waxa dekeda Berbera soo gaadhay markab sida kuntan oo raashin ah oo ay dawladda imaaraadku ugu deeqday in lagu taakuleyo dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolada Somaliland.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Safiir Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar waxaana ka mid ahaa hadaladiisa“Marka hore waxan jeclahay in aan halkan uga mahadcesho guddiga abaaraha ee maanta hawshan ah mucaawimada dawladda imaaraadku ugu deeqday Somaliland la wareegaysa, hawshanina waxay daba-socotay mucaawimooyin in muddo ah dawlada imaaraadku u waday dadkii abaaruhu waxyeeleeyen ee reer Somaliland, waana tii saddexaad muddo sanad gudeheed ah ay soo dirto hay’adda Khalifa Binu Zayed Al-Nahyan Foundation ee ay dawlada imaaraadku soo gudbiso.

a5a2fb7b-0ef6-4606-98ad-42c8667827b9

Waxaanay runtii muujinaysaa in dawladda aanu walaalaha nahay ee imaaraadku warwalba ay heegan ugu yihiin inay wax in-nala qabtaan mar kasta oo dhibaato iyo mishkelidi soo istaagto ama ay la soo deristo shacbiga ay u soo gurmadaan, runtii aad iyo aad ayaan ugu mahadinayaa anigoo ka wakiila Madaxweynaha iyo Shacbiga Somaliland sida ay walaaleheen inoogu soo gurmadeen.
.

a5a2fb7b-0ef6-4606-98ad-42c8667827b9

DSC_0652

Waxa kale oo aan jeclahay in aan uga mahadcesho mashaariicda kale ee balaadhan ee ay dalka ka fulinayaan, haday tahay xaga waxbarashada awqaafta oo ay laba cisho ka hor ay timid wefti balaadhani, haday tahay xaga kale ee biyaha oo hay’addan Khalifa Foundation runtii ay ka fulinayso dalka, iyo mashaariic kale oo farabadan oo ay imika gacanta ku hayaan markaa anigoo sidaan sheegay Madaxweynaha Somaliland iyo Shacbiga ka wakiila aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa mashaariicdaa tirada badan ee ay dalka ka wadaan, waxanan jeclahay in aan hawshaa ay maanta halkan ka wadaan oo ah mid loogu talogalay ilaa 8,000 “Kun” oo qoys loogu talogalay in ay insha Allaa ay la wareegto guddida abaaraha oo uu hogaaminaayo wasiirka difaacu, iyaguna markaa ay qaataan masuuliyada sidii loogu qaybinaayo dadka ay abaaruhu saameeyeen”.

a5a2fb7b-0ef6-4606-98ad-42c8667827b9

waxa halkaasi ka hadlay iyaguna Guddida abaaraha xubno ka Socday oo uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga Somaliland, wehelinayeena culimo iyo ganacsato o dhamaantood uga mahad celiyey dawlada imaaradka mucaawimadaa ay la soo gaadheen dadka tabaalsaysan iyaguna ay sida ugu haboon ku gaadhsiindoonaan.
Sidoo kale waxa iyana halkaasi si wada jira uga hadlay Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera, Maareeyaha Xafiiska Samafalka, iyo xubno iyagu ku hadlaayey magaca dawladda imaaraadka carabta,.