Dawladda Maraykanka Oo Soo Saartay Digniin Saamayn Ku Yeelanaysa Farmaajo

0
390

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa hooraantii bishii March ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale.

Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aanay waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda. “Kiisaska la xidhiidha muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxaa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xidhiidha sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniintan aanay quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aan ku lugta lahayn go’aannada siyaasadeed. “Haddii muwaaddiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arrimaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaaddiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaaddinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay.

Saameynta ka dhalan karto arrinta ayaa la sheegay inay taaban karto madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha haddii uu damco in uu tago Mareykanka, maadaama uu heysto dhalasha Mareykan ah. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here