DAWLADDA MASAR OO GEED DHEER IYO MID GAABANBA U FUUSHAN SIDII AY XIDHIIDHKII MILLATARIGA SOOMAALIYA U SOO CELIN LAHAYD

0
258

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xukuumadda Masar ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay dib ugu soo celin lahayd xidhiidhikii milateriga ee Soomaaliya ay la lahayd, intii ka horreeysay sannadkii 1991, Markaasoo xukunka laga tuuray xukuumaddii dalka ka talinaysay, dalkana uu muddo 24 sanadood ka badan ku jiray colaado sokeeye. Masar ayaa shaacisay sannadkii 2012-kii inay doonayso inay tababarto ciidanka millateriga Somalia iyo kuwa badda, iyadoo sheegtay in dalka Geeska Afrika ku yaalla ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin xuduud-badeedka iyo amni-darro. Sidoo kale, Waddamo ay ka mid yihiin; Turkiga, Mareykanka iyo weliba Midowga Yurub ayaa tababarro kala duwan siiyay Ciidamada Soomaaliya, taasoo keentay in ay Somalia ku tallaabsatay dib u soo laabashada cududdeeda dhanka ciidamada, inkastoo tababaraas aan la odhan Karin way ku filnaadeen millatariga Soomaaliyeed. Xukuumadda Qaahira ayaa dhankeeda ugu jirta dadaal xoogan sidii ay uga soo biiri lahayd qorshaha Xukuumadda Somalia looga caawin lahaa dib u dhiska ciidanka sida; Millateriga. Iyadoo dhawaan ay Muqdisho yimaadeen Wafdi dalka Masar ka socday, kuwaasoo kulamo kala duwan la qaatay madaxda Dowladda Somalia iyo Saraakiisha Ciidamada Somalia, isla markaana sheegay inay diyaar u yihiin inay tababaraan ciidamada Soomaaliya. “Masar, Waa saxiib weyn oo ay Soomaaliya leedahay. Intii kulankeennu socdayna waxaan ka-wada hadalnay sidii loosoo celin lahaa iskaashiga dhinaca millateriga ee labada waddan u dhexeeyay,” ayuu yidhi taliyaha Millateriga Somalia Jen. Maxamed Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho

Ciidamadii Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa ku bur-buray colaadihii sokeeye ee Dalka ka socday muddada 20-sano ka badan, balse waxaa haatan la qorsheynayaa in dib loo dhisi, si ay uga hor-tagaan Weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Somalia, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Xukuumadda Somalia, ayaa ku tiirsan taageerada ay siiyaan ciidamada Midowga Afirka ee AMSIOM, inkastoo ay leedahay ciidammo Soomaaliyeed oo aan Awood lahayn, kuwaasoo aan awood u lahayn inay weerarrada Al-shabaab ka hortagaan ama ay amniga xaqiijiayaan.

SOMALIA-VIS-AMSAR

Ugu dambeyntii, Sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Al-shabaab laga saaray Deegaano iyo magaalooyin ay awood ku lahaayeen, inkastoo weli Al-shabaab ay Weerarro Gaadmo ah la beegsanayso saldhigyada Ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda Somalia iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Xigasho: Qurbejoog

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here