Dawladda Turkiga Oo Dawladda Somaliland Ka Codsatay Inay Xidho Dugsiga Nile Academy Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay

0
291

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Dawladda Turkiga ayaa xukuumadda Somaliland ka codsatay inay xidho dugsiga waxbarasho ee Nile Academy oo uu maalgeliyo  siyaasiga lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay Mr. Fethullah Gülen.

 

Wefti uu hoggaaminayo danjire Olgan Bekar, oo ah safiirka Turkiga u jooga Somaliya oo uu weheliyey  guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Turkiga xildhibaan Dr. C. Kani Torun oo isna hore u ahaa safiirka Turkiga ee Muqdisho, ayaa si rasmi ah xukuumadda Somaliland uga codsaday inay xidho dugsigaas, iyagoo balan qaaday inay buuxinayaan kaalinta waxbarasho ee uu dugsigaas Nile Academy baneeyo.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in xukuumadda Somaliland diblomaasiyiintan Turkiga ah ugu jawaabtay inay ka war sugaan muddo laba toddobaad ah, iyadoon la kala garan karin in xukuumadu xidhi doonto dugsigaas mudada ay u qabatay dawladda Turkiga iyo iyo inay mar kale ka gaws adaygi doonto.

Xukuumada Somaliland ayaa hore u cadaysay inaanay xidhi doonin dugsigan, maadaama oo aanay wax dambi ah ka gelin dalka Somaliland. Laakiin waxa muuqata in dawladda Turkigu doonayso inay Somaliland saarto cadaadis diblomaasiyadeed si loo xidho dugsigan.