DAYACNAANTA DEGMADA BERBERA IYO DANAYN LA’AANTA MAAYIR C/SHAKUUR CIDIN ( 20,000 ee Dollar degmadaa u baahnayd Maayir Cidin)

0
356

DAYACNAANTA DEGMADA BERBERA IYO DANAYN LA’AANTA MAAYIR C/SHAKUUR CIDIN ( 20,000 ee Dollar degmadaa u baahnayd Maayir Cidin) ……………………………………………………………………………………………………..

BISMILAAI RAXMAANU RAXIIM……….. Waa kuma masuul qaran Waa kuma nin madax ahi Dalka yaa miciin u ah Dadka yaa matali kara Mudan kara xilkoodii Yaan damiirku mayd noqon Xildhibaanka magaca ah Xildhibaanka madowgiyo Xaqa meel mugdiya dhigay Xildhibaanka mooskiyo Muska ooda laga riday Dadka uu matalayoow Rabibaa idiin maqan Xildhibaanka marinkiyo Danta guud ka maagee Musuq garabka saariyo Runta kii u maganoow Taariikhdu waa muda. Iyadaa markhaatiya Waxaad maanta qabatana Meel laguugu qorayaa…..

abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Nabigeenii suubaan Muxamed Binu Cabdulaahi SCW wuxuu xadiis saxeexa inoogu sheegay in qof walba adeege yahay kana masuul yahay waxa la raaciyey ee uu masuuliyadooda hayo Allena SWT kala xisaabtami doono maalinta qiyaamaha masuuliyadaas, Diinteena mustaqiimka ahina waxay in baddan ina faraysaa oo inuugu celcelinaysaa in xoolaha ummada layska ilaaliyo oo haddiiba laguu dhiibtana amaanadooda xafido. Degmada Berbera siday ku caanka tahay waa magaalo xeeb ah oo kulayl, Hanfi iyo Huur baddan,

bulshada ku nooli intooda baddani waa garab-rarato xarumaha dawlada ka shaqeeya Dekada iyo Dawlada Hoose haw badnaadaane, dadku inta baddan waxay ka cawdaan laydhka iyo bihaya oo aniga laftaydu labba usbuuc oo aan bishan September joogay waan arkay cabashadaas oo laydhku marmar ayuu tagaayey halka xaafadaba qaarna biyo la’aayeen. degmada Berberi waxay dooratay Golle deegaan oo 21 xildhibaan ka kooban,

xildhibaanadaa waxa ka soo baxay maayir iyo ku xigeen, C/Shakuur Maxamuud Cidin waa maayirka Degmada Berbera wuxuu ka soo baxay Xisbiga Ucid muddo ka dib se wuxuu u digo rogtay Xisbil xaakimka Kulmiye sabab baddan oowgood oo ay ugu muhiimsanayd u baqashada kursiga uu ku fadhiyo, Maayir C/shakuur mudooyinkii hore wuxuu degmada Berbera iyo dadka ku noolba ugu jiray kaalin muhiim ah oo wuxuu wax ka qabtay meelo baddan isagoo daboolay baahiyaad kala duwan oo degmada ka jiray,

balse mudooyinki ugu danbeeyeyba wuxuu la soo baxay dhaqamo aan hore loogu aqoon isagoo ku tagri falaaya xoolihii ummada cashuur ahaan looga soo uruuriyey ee ujeedkoodu ahaa in baahiyahooda wax lagaga qabto. Habeen jimcihii ee ay bishuna ahayd 23 maayir Cidin wuxuu casho aan micno baddan lahayn ku qabtay Hotel Mansoor ee Magaalada Berbera ujeedada Cashadaasina waxay ahayd soo dhawayn loo samaynaayey Shirkada Dekeda Berbera lagu wareejiyey maamulkeeda ee DP World,

dabcan kharash baddan ayaa ku baxay cashadaas sacab tunka beenta ah, dhalin ay cashadoodii guryahooda ugu diyaar ahayd ayuu xoolihii ummada u loogay iyadoo aynu naqaano Hoteelada Maansoor oo kale ah qadarka lacageed ee ruuxiiba ku casheeyo intay leeg tahay. Shalayna waxa magaalada Hargeisa isla Hotel Maansoor lagu qabtay xaflad qado ahayd oo xoolo laagu yaboohaayey Xisbiga Kulmiye, ceeb maaha oo waa wax iska caadiya in Xisbi taageerayaashiisu lacag ugu deeqaan cadadkay doonto ha ahaatee,

laakiin waxa xaaraan ah in masuul xoolo ummadeed lagu aaminay o wax noogu qabo la yidhi ku bixiyo Olole xisbi haddiiba uu bixinayana cadeeyo halka uu lacagtaa ka keenay iyo inaanay ahayn hantidii dad waynaha ee uu masuulka ka ahaa. Maayir C/shakuur shalay wuxuu ugu deegay Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye lacag cadadkeedu dhan yahay 20,000 oo dollar!!!!

Maayirku muu kala cadayn inay lacagtaasi xoolihiisii tahay iyo inay xoolihii ummada tahay, Berbera waxa ku nool dad aan waqtiyada qaar daba shidan oo aad u sabool ah, degmadu baahiyaad kala duwayn ayey leedahay oo loo baahan yahay in lagu daboolo cashuurta laga soo uruuriyo dadwaynaha, Adeega caafimaad ee Degmado maaha sidii la rabay oo dadka Hargeisa ayey u yimaadaan xaalado caafimaad,

waxbarashadu ma tayo fiicna oo toban arday ee Somaliland ugu sareeya Berberi ma soo gasho sanad walba, tayada macalimiinta dhigta ma liidato laakiin kharashkay qaataan iyo nolol maalmeedkuudu isma laha kaabis ayey u baahan yihiin, Dad aan hoy fiican oo ay kulaylka kaga gabadaan lahayn ayaa Degmada Berbera ku nool, 20,000 ee Dollar 20 qoys oo danyar ah ayey 20 guri oo jiingad ah u dhisi lahayd Aakhiro iyo Aduunbana abaal iyo ajar loogu hayn lahaa maayir cidin, mase dhicin oo meel weecsan ayuu wacnaan ka dayey. 20’000 ee Dollar ee uu maayir Cidin ugu deeqay Kulmiye waxa ugua baahi badnaa dadkuu masuulka ka yahay, haddiiba maanta lagaga xisaabtami waayo xoolahaas ummada bari waa hubaal in Eebbe SWT waydiin doono halkuu ku bixiyey,

waxa qurux iyo qiimaba baddan in aad iska ilaaliso waxaad ku cadaab mudanaysid oo aad dhawrto hadba wixii lagugu aaminay ee aad masuul ka tahay, awooda aad maanta leedahay bari ma yeelan doontid oo kafan cad inta lagugu duubo ayaa qabri lagugu awdi doonaa, waxa lagu waydiin doonaa waqtigii iyo maalkiiba halkaad ku soo bixisay walaahi inaan laysaga hadhayn xoolahaas lagu tagri falaayo. Waxaan talo ku soo jeedin lahaa in layska dhawro cunida hantida dadwayne oo la quuto wixii xalaal ah ee aan nusqaan aduunyo iyo mid aakhiraba kaaga imanayn, qof masuulka ah ee caadilka ah ee uumadiida u kala xaq soora xoolahoodana iska ilaaliya wuxuu ka mid noqonayaa todobada illahay hadhkiisa hadhsada maalinta Qiyaamaha ee aan hadh jirin ka Eebbe mooyaane. Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi ( Baarcad) Email: Mfigo04@gmail.com Contact Number: 0634447924