Deg Deg :- Dowlada Somaliland Oo Cafis U Fidisay Siyaasiyiinta Iyo Madax Dhameedka Reer Somaliland Ee Ku Sugan Moqdisho.

0
335

Hargeysa (Ceelgardinews.com ):- Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadley xafiiskiisa ayaa waxaaa uu sheegay in xukuumada Somaliland Cafis fidisay.

wasiirWasiirka ayaa waxaa uu si gaar ah u sheegay in xukuumada Somaliland oo uu afkeeda ku hadlaayo ay maanta  laga bilaabo ay cafis iyo saamaxaad u fidisay siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka reer Somaliland ee ku sugan Dalka Somaliya kuwaas oo hore dalka in ay yimaadan ay mabnuuc aheyd isla markaana ku xukunaa qodobka khaayinal wadan .

Hadalkan wasiirka ayaa waxaa uu ku soo beegmaya ka dib markii madax dhaqameed iyo siyaasiyiin rer Somaliland ah oo moqdisho ku sugan ay ka biyo diideen qodobo ka soo baxay shirka Madasha Somaliya oo lagu soo xulaayo ergooyinka aqalka Sare ee dalkaasi Somaliya oo ay sheegen in aan Somaliland xaqoodii la duudsiiyey isla markaana  ay codsanayaan in diyaarado ay Hargeysa ku yimadan loo soo diro.

Waxaana la filayaa in Samaaxadan ay  Somaliland fidisay uu dabrka ka furo siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland uu ku dabranaa dalka Moqdisho isla  markaana ay dalka dib ugu oo noqdaan hal dabo la,a

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here