war deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada Ceelgardinews.com ayaa waxaa ay shagayaan in maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco uu dacwad ku furay telefiishanka Star TV oo ka hawl gala Somaliland isla markaana xarunta ugu weyn ku leh magaalada Hargeysa
Maayarka ayaa waxaa uu dacwad u gudbiyey makamada degmada Hargeysa waxaana la sheegaya in ay sabab u tahay ka dib markii uu telefishankaasi sii daayey cabashooyin ay bulshada degmooyinka caasimadu ka cabanayeen wax qabadka maayarka oo ay ku sifeeyen mid ku fashilmay hawlihii loo dhiibay taas oo uu Mr.Solteco xamli kari waayey miciina biday in uu maxkamada dacwad u gudbiyo