Deg-Deg : Mudaharaad Xoogan Oo Lagaga Soo Horjeedo Shirkada Dp World oo Hada Gilgiley Magaalo Xeebeeda Berbera + Shaqadii Dekeda oo Gabi Ahaanba IstaatgeySababta .

0
356

Hargeysa ( CeelgardiNews.com ):- Wararka shabakada Ceelgardinews.com ka soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil waxaa ay sheegayaan in muddo haraad weyni uu goor dhaweyd ka bilowdey magaaladaasi gaar ahaan dekada Berbera.

Dadka mudaharaadka dhigaayey ayaa waxaa ay ahayeen shaqalihii dekada Berbera waxaana ay ka mudaharaad sida ay sheegayan wararka ay helayso ilaysnews.com uu ka bilowdey ka dib markii  maamulka cusub ee dekadaas xukuumadu ku wareejisay ay ku war galiyeen in ay ku shaqeeyaan lacag aad uga jaban tii ay markii hore ku shaqeyn jireen isla markaana waxaa ay ugu hanjabeen hadii ay lacagtaasi ugu shaqeyn wayaan in ay iskaga tagaan shaqada oo ay ku bedelan doonan dad ka soo jeeda dalka Hindiya oo igu lacagtaas jaban ugu shaqeyn doonan

 

Dhamaanba shaqalaha dekada ayaa hadalkaasi ganafka ku dhuftey isla markaana waxaa goobta ka istaadhmey mudaharaadii ugu weynaa waxaa gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekada iyada oo la bakhtiyey Korontadii dekadu ku shaqeynaysa

Sidoo kale waxaa goobta lagu gubey astaanta ay leedahay shirkada dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekadaase ee DP World iyo dharkii ay kaga shaqeynaayeen dekada , waxana ay hada shaqaliii gabi ahaantoodba ku sugan yahiin suuqa iyaga oo dekada ka dareeray

Dhinca kale waxaa goor dhaweyd goobta soo gaadhey ciidamo Boolis ah oo isku deyay in ay shaqaalaha ka hor istagaan in ay dibada uga soo baxaan dekada Balse u suurto gali weyday .

 

Goor Dhow Filo Muuqaalka Mudaharaadka