Dekeda Berbera Ka Wayn Wax Dana Gaara Loo Wareejo ,Waanaan Canbaaraynaya Xadhiga Loo Geystay Dhalinyada Ka Soo Jeeda G/ Saaxil

0
344

Berbera (Ceelgardinews.com) Aniga oo ka mida masuuliyiinta Degmada Berbera ee Xisbiga Wadani,
Waxaan halkan si mugleh uga Canbaaraynayaa Xadhiga Loogeystey Dhalinyarada Ka Hadashay Wareejinta Dekeda Berbera oo ah dhalinyaro xaq u leh in ay ka hadlaan wareejinta Dekeda Berbera iyo waxkasta oo aan umada gobolka iyo guud ahaan ba qaranka aanay dani ugu jirin oo xukumaduu ka samaynayso Gobolka saaxil maadaamay yihiin Aqoonyahano ka soo jeeda Gobolka saaxil.
Dhalinyada la xidhxidhay oo magacayadoodu la kala yidhaahdo
1) Maxamuud Axmed Maxamed (Fiigo)
2) C/Qani Maxamed Faarax Xayd ( Gacan)
3) Maxamed Sidiiq (Dhaame)
4) Maxamed Ducaale
5) Nuuradiin

dhalinyadan waa dhalinyaro markii dekeda xukunkii siyaad bare laga qabsanaayey ay qaar dadeeradood

xog(3)
ku shihiideen oo nafo kaga maqanyihiin dekeda, sidoo kale mar dekeda iskaa wax u qabso lagu dhisaayey waxa ku kacay hudheeladii awoowyadood.
Sidoo kalena waxaan si gaara isagana aan xukumada ugu sii dhaleecaynayaa xadhiga loogaystay Afhayeenkii Garabka Dhalinyarada ee Qaran ee Xisbiga Wadani oo ah shekhsi xasaanad huwan aad baan uga xumay .
Iyana waxaan xukumadeena xurmadaran, xaraash aan aad u dhaleecaynayaa xadhigan oo ah mid guud ahaanba baalmarsan sharciga waayo?
Maaha wax qof muwaadin ah lagu xidho fikirkiisa oo uu cabiray taasi waa cabudhin waana wax cadayn u aha umada reer Somaliland in ay xukumadani tahay keligeed talis, keligeed talisnimana dadkani waxay hore uga diidaane siyaad bare.
Dekeda berberana dhismaha la dhisay marxalado kala duwan buu soo maray adeer iskaa wax u qabso ayaa wakhti wakhtiyada ka mid ah lagu dhisay adeer inamada xoolihii awowyadood iyo dhiigii abayaashood baa ku maqan Dekeda in maanta maxaad uga hadasheen lagu xidho waa ayaandaro iyo xukumada xurmada darane ina haysata.
Gunaanadka qoraalkayga waxaa leyahay dhalinyadarada aqoonyahanka ah ha loo soo celiyo xoriyadoodii.

Aqoonyahan: Ismaaciil C/Laahi Cilmi ( Dheeg)
Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani
Dheeg99@hotmail.co.uk
0634120761 telesom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here