Dekeda Berbera Oo Sanadkii Cusub Ee 2019 La Kowstay Muran Ganacsato U Dhaxeeya Iyo Xukukmada Oo Amaro Culculs Soo Saartay

0
493

Dekeda Berbera Oo Sanadkii Cusub Ee 2019 La Kowstay Muran Ganacsato U Dhaxeeya Iyo Xukukmada Oo Amaro Culculs Soo Saartay

 

Shaqadii dekeda berbera ayaa maalintii labaad taagan 90% shaqadii socon jirtay dekeda ayaa hakad ku yimi ilaa  maalintii shalay iyo ilaa manta  sababo la xidhiidha khilaaf u dhaxeeya

Container Shipping Liner iyo Ganacsada Keenta Alaabta ee u soo qaadan afarta Container Shipping Liner Ee Ka Shaqeeya Somaliland

Dhinacyadaasi oo isku khilaafsan lacago Container Shipping Liner hore uga qaadi jireen ganacsada ay Alaabta u Soo Qaadan oo wax ka Bedel  ay ku sameeyen sanadkan cusub 2019 iyagoo ganacsada Alaabada loo soo qaadana ay diideen in  lacagaha ay waxa ka bedelka lagu sameeyen inay bixiyaan

Si kastoo tahay ilaa maalintii shalay iyo maanta waxa dekeda berbera ka socda shaqo kooban oo ah inay ganacsadu cashuurayso badeecadii dekeda soo gashay sanadkii hore 2018 Bacdeecadii soo gashay dekeda sanadkan cusub 2019 xanibantahay “

Waxa kale oo jira in xukumada Somaliland arintani soo faro galisay intii aanu sanadkii hore dhamaan oo qoraalo   loo Soo Qoray Container Shipping Liner sheegay inaanay waxba kordhin Karin

waxaana qoraaladaasi soo qoray wasiirka wasaarada ganacsiga .Mareeyaha Haayada Dekeda .Maamulaha kastamka berbera inkastoo Container Shipping Liner qoraaladaasi  kumay dhaqmin  dhinacyadii ay khusaysay qoraaladaasi waxaana wararka aanu ka helynaa Container Shipping Liner sheegyaan inaan dhankooda la dhaysan iyo sababaha keenay inay tacriifadii hore wax ka bedel ku sameeyaan ee xukun uun lagu riday waxa kale  ku doodayaan inaan go,aankooda meel kasta oo la gaynayo ku Adkaysnayaan

sidoo kale waxa Dooda Container Shipping Liner ka mid ah in isbedelkan iyagu aanay samaynin ee kharashaad culays ku ah yihiin oo ka yimi Xaga D,P.World 

waxa kale oo sheegayaan in iyagu hore arinta u sii sheegen ganacsadaha aan ku qancin aanu Alaabada soo saran markiibtooda ganacsiguna xor yahay

Si kasta Ha Ahaate maalitii shalay ayaa la xidhay wakiilada Container Shipping Liner Ee kala ah (MSC. Parma.CMA) iyadoo xukumada Somaliland ka diidan inay wax ka bedel ku sameeyaan ama kordhin lacagihii ay ganacsada ka qaadi jireen Ee Loo Yaqaanay Terminal Handling Change

hadana saaka subaxii ayaa si ku meel gaadha  ah mudo 30cisho ah loogu heshiiyay in Container Shipping Liner in sidii hore ku sii shaqeeyan oo arintaasi xukumada iyo  Container Shipping Liner ka wada hadlaan in yar ka dib waxa ay Container Shipping Liner markii la sii daayay ganacsadii ku war galiyeen in lacagihii ay xafiisyadooda berbera ku qaadi jireen yidhaahadan Ganacsade kastaa halkii Alaabada looga  soo dir lacagta ha ku bixyaan markaas ayaanu warqada kuu qoraynaa Aad Alaabtada kula baxaysid ,mar kale hadana  waxa la soo xidhxidhay

Container Shipping Liner shalay la xidhay, Khilaafkaasi ayaa ilaa iminka ka taagan dekeda berbera

 

Qiimaha ay hore uga qaadi jireen kontiinarka 20 fit ah (Terminal Handling Change $85 hore  iminkana ka ku kordhiyeen $ 98.7 = $183.7 )

Qiimaha Koontirka 40 Fit (Terminal Handling Change Hore $155 iminka $197.4 = $352.4)

Isuduwha wasaarada ganacsiga ee gobolka saaxil oo isku daynay inaanu arintani wax ka waydiino ayaa ka gaabsaday

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here