Dhacdo naxdin leh Macalin dugsi quraan oo u dhintay sun xaaskiisa ugu dartay rashiin

0
253

 

Waxaa Xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dhacdo naxdin leh oo si aad ah saaka looga hadal haayo magaalada Baledweyne kadib markii haweeney ninkeeda ay siisay raashiin sumeysan.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday Xaafada Xaawa-taako ee magaalada Baledweyne, marxuumka xaaskiisa ay siisay raashiinka sunta ay ku dartay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cumar waxuuna ahaa macalin dugsi quraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka uu dhawaan guursaday haweeneyda sunta ugu dartay raashiinka, lamana oga sababta ka dambeysa iney suneeyso ninkeedii oo u dhintay raashiinkii ay sunta ugu dartay.

Ciidamada amaanka degmada Baledweyne ayaa la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen haweeneyda sunta ku dishay ninkeedii, taasoo la sheegay iney dooneysay iney baxsato.

Dadka xaafada Xaawa-taako ayaa saaka si weyn u hadal haayo dhacdadaan oo ay ka argagaxeen dadka deegaankaasi Xaawa-taako.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here