Dhakhtar Soomaali Ah Oo Shaqadii Laga Joojiyay Markii Luuqada Ingiriisugu Ku adkaatay

0
291

DHAKHTAR SOOMAALI AH OO AFKA INGIRIISIGA OO KU ADAG AWGEED LOOGA JOOJIYEY SHAQADA:
===================

Dhakhtar Soomaali ah ayaa dalka Ingiriiska laga mamnuucay in uu dhakhtarnimo ku shaqeeyo kaddib markii ay caddaatay in aanu Ingiriisiga ku hadalkeeda ku fiicnayn.

Dr. Cabdillaahi Cabdi Yuusuf oo ah 51 sano jir cudurrada guud bartay oo deggenaa magaalada Manchester ayaa ku doodaay in bukaankiisa iyo jaalka ay wada shaqeeyaanba ay is fahmaan kaddib markii sida uu sheegay is baray lahjado hore oo afka ingiriisiga ah oo deegaannada woqooyiga ee dalka Ingiriiska weli laga fahmo. Laakiin si isdaba joog ah ayaa uu Cabdullaahi u dhacay imtixaanada afka Ingiriisiga ah oo laga qaaday; dhinaca fahamka afka, akhriska, qoraalka iyo hadalka intaba.

Hore ayaa Cabdillaahi oo 9 carruur ah dhalay, waxaa sannadihii 2015 iyo 2017 lagu helay habdhaqanno anshaxa mihnadda baalmarsan, waxa se loo fasaxay in uu shaqada sii wato, dushana xaaladdiisa lagala soconayo laakiin shardiga lagu xidhay uu ahaa in uu afka barto kaddibna galo imtixaanka Afka Ingiriisiga ee caalamiga ah ee ‘IELTS’ loo yaqaanno, laaiin imtixaanadaas ayaa si isdaba joog ah ugu dhacay.

Ugu dambantii Dr. Cabdullaahi ayaa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan rukhsad siinta dhakhaatiirta oo ‘MPTS’ loo yaqaanno u diray email uu kaga codsanayo in loo ogolaado in in uu shaqadiisa dhakhtarnimo ee Ingiriiska sii wato, isaga oo ku adkaysanaya in luuqaddiisa ingiriisidu ay fiican tahay, laakiin 15 kii bishan jeenaweri ayaa ay hay’addu soo saartay go’aan ay dhakhtarkan kaga joojinayso shaqada gebi ahaanteedba, kaddib markii Emailka uu u diray ee codsiga ahaa ay ku aragtay in uu ku qoran yahay afka Ingiriisiga oo aad u jajaban, qaladaad higaadda iyo naxwaha oo badanna ku jiraan.

 

Dr. Cabdullaahi waxa uu email-kiisa ku sheegay in hadda uu joogo Soomaaliya oo uu gacan weyn ka geystay daweynta dadka Soomaalida ah ee uu ku dhacay COVID-19 ka, sidaas awgeed aanu waqtigan iman karin Ingiriiska sida ay ka dalbatay hay’adda rukhsaduhu.

Si kastaba ha ahaato ee hay’addu aqoonta caafimaad ee Cabdullaahi ma haysato, balse dhibtu waxa ay ka taagantahay cabsi laga qabo in Afka Ingiriisiga ee ku adag isaga oo Ingiriiska ka dhex shaqaysanayaa ay keeni karto is fahmi isaga iyo bukaanka ah oo qalad caafimaad horseeda.

Cabdullaahi sannadkii 2003 dii ayaa uu caafimaadka guud ku dhammaystay Soomaaliya kaddib sannadkii 2005 ayaa oo Talyaaniga ku soo qaatay takhasuskiisa.

Ururin / Turjumad: Kamaal Marjaan

Daily Mail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here