Dhalinyarada Berbera Waa Bilaa Kalsooni Waa qalinkii Cabdi qani xaashi guuleed

0
381

Dhalinyarada Berbera Waa Bilaa Kalsooni ……

Dadka reer berbera waa dad maskax badan oo aqoon leh balse waxa haysta dhalinyaradeeda bilaa kalsooni iyo ku dhiirasho la,aan xaga scholarship yada iyo xaga shaqooyinka loo galo imtixaanada haday tahay haayad iyo mid heer qaran ah .

Waxayna moodayaan inayna gobolada kale la tartami karin.
Waxaynu nahay dad mufakiriin ah oo ka maskax badan kuwa gobolada kale taasna waxa inoo saamaxday khayraadkeena uu ka mid yahay kaluunku .

Maadama qofka kaluunka cuna uu ka maskax iyo aqoon badan yahay ka kale.

Berberaay kaluunka cunistiisa aynu joogteeno oo aynu markasta waxkasta oo dalkeena yimaada oo tartan loogalayo aynu u tartano nasiibku waa halkiisa balse inaad isku daydo ayaa isna fiican,waayo waxaad ka helaysaa waayo aragnimo.

Shaqooyinka ka soo baxa berbera iyo fursadaha shaqo ee yimaada berbera aynu ku dhiirano haddii kale waxa kula wadaagi kuwa kale ee ka yimaada gobolada kale sida dhacda markaste.

Waxa jira dhalinyaro fariida ah oo ku dhiirada fursadaha qaar yimaada berbera sidii ay qaar ugu guulaysteen 50 kaalmo ee ka banaana wasaradaha dalka waana arin bogaadin teeda leh taasi.

Guntii iyo gabogabadii canaan igama ah waa dhiirigalin iyo inaynu waxkaste isku dayno isheenuna dheerato si aynu u maalno natural resource.

Insha Allah guul iyo gobonimo saaxil berbera.

Cabdi qani xaashi guuleed
Somaliland
Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here