DHINACYADA WADA-HADALKU U SOCDO EE WADDANI IYO UCID OO REJO FIICAN KA MUUJIYEY GUNAANADKA WADA-HADALKOODA

0
301

Guddida wada-hadalka u qaabilsan dhinacyada Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale Xisbiga UCID ee uu hoggaaminaayo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa mar kale ka hadlay halka uu maraayo wada-hadalkoodaasi, waxaana ay sheegeen in ay hada wakhti xaadirkan uu wada-hadalkaasi maraayo xaalad xaal xaal ah oo ay hawsha inteedii badneyd isla meel dhigeen, iyaga oo carabka ku dhuftay in maalmaha soo socda na ay war farxadle soo gaadhsiin doonaan taageerayaasha labada dhinac iyo guud ahaan ba shacabka Somaliland.

Shir-jaraa’id oo ay saaka wada qabteen guddida labada dhinac ka dib kulankoodii saddexaad oo ay maanta ku yeesheen hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Aadan Suldaan oo ka tirsan dhinaca Xisbiga UCID ee uu hoggaaminaayo Jamaal Cali Xuseen, waxaana uu faah faahin ka bixinayaa halka uu maraayo wada-hadalkii labada dhinac.
“Wada-hadalkii noo socday WADDANI, waanu wada-hadalnay maanta, waxna waa ay noo dhammaadeen maanta, waxna weli isla maanan meel dhigin oo hawlahii na weli waa ay noo socdaan, waxaana aanu idiin sheegaynaa in aynu ka wada xidhiidhi doono wixii dambe ee balan ah.”.Ayuu yidhi Aadan Suldaan
Siyaasi Aadan Suldaan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, aaya dhanka kale na meesha ka saaray in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu garabkooda kaga baxay wada-hadalka ay kula jiraan Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in Jamaal Cali Xuseen uu wada-hadalka ay kula jiraan Xisbiga WADDANI kula socdo isla mar ahaantaana uu qeyb kala yahay oonu meelna uga leexanin, waxaana uu yidhi:
“Wax Allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, Jamaal na waa aanu wada soconaa, wada-hadalka aanu hakinayna maaha ka WADDANI e’ waa ka KULMIYE.”.

.
Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo isna ka tirsanaa guddida ka socotay Xisbiga WADDANI ee wada-hadalka kula jirtay garabka Xisbiga UCID, ayaa isna dhankiisa caddeeyey qaabka ay wada-hadalka ugu la jiraan garabka ka socda Xisbiga UCID, waxaana uu sheegay in garabkaas ay u la hadlayaan una aqoonsan yihiin Xisbiga UCID.
“Wada-hadalkii noo soo socday mudada, waxa uu marayaa marxalad aad u wanaagsan oo hada uun xaal xaal u dhiman yahay, Isha Allahu na qoladiina Saxaafaddu maalmaha soo socda war farxadle ayaad naga maqli doontaan, qoladan UCID ee wada-hadalku noo socdo, anagu UCID ahaan ayaanu u la hadlaynaa.”.Ayuu yidhi Siyaasi Siciid Sulub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here