DIYAARAD XAMAR KA SOO KACDAY OO AY LA SOCDAAN WIILKA UU MADAXWEYNE SIILANYO SODOGA UYAHAY EE BAASHE CAWIL IYO DIBLOMAASIYIIN IMAARAATIYIIN AH OO SAAKA KA SOO DEGTAY MADAARKA BERBERA

0
261

Berbera (Ceelgardinews.com) Waxa abaaro 11 kii galinkii horee maanta madaarka Berbera ka soo degtay diyaarad Xamar ka soo kacday oo ay saarnaayeen wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siiraanyo ee Baashe Cawil Cumar iyo dibloomaasiyiin ka socday dawladda Imaaraatka Carabta oo ay ka midahaayeen safiirka dawladaasi u fadhiya Muqdisho iyo masuuliin kale oo loo malaynayo inay ahaayeen saraakiil Ciidan ah.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda flydubai ayaa wafdigii saarnaa iyo masuuliintii dawladda Somaliland ee ka hortagtayba laga qariyey dadweynaha gaar ahaa warbaahinta oo loo diiday inay kasoo ag-dhawaadaan iyadoo ay shaqaalaha madaarku wariyeyaasha u sheegeen inay diyaaradaasi aheyd duulimaad gaar ah oo Baashe Morgan iyo Imaaraatiyiinta ka soo qaaday magaalada Muqdisho.

 Garoonka-diyaaradaha-Berbera-1024x576

Hore ayey warbaahintu u sheegtay in wiilka uu madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay wado mashruuc uu doonayo inuu ku kireeyo madaarka iyo dekadda Berbera intaan waqtigu ka dhamaan xukuumadda hada jirta.Sida la sheegay dawladda Imaaraatka ayaa danaynaysa inay kiraysato madaarka Berbera si ay u isticmaali karaan ciidamada cirka iyo badda ee Isbahaysiga dawladaha Khaliijka ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ee Iiraan taageerto.Mashruuca kale ee uu Baashe Morgan baryahanba isku taxalujinayey inuu hirgalayo ayaa sida ay warbaahintu hore u sheegtay ah sidii dekedda Berbera loogu wareejin lahaa shirkad uu isagu abbaan ka yahay.

fly-dubai-300x166

Waxase la yaabka iyo isweydiinta leh sababta wiilka uu madaxweynaha dalku soddoga u yahay ee waliba

xukuumadana ka tirsan geysay Xamar iyadoo awalba ay jireen warar sheegayey in Baashe Morgan xidhiidh la leeyahay Xasan Sheekh, madaxweynaha dawladda Federaalka Somalia ee sheegata in Jamhuuriyadda Somaliland hoos timaaddo ,oo uu waliba Baashe ka saxeexdo waraaqaha ogolaanshaha(non-objection letters) kawaasoo ay dawladaha iyo shirkadaha shisheeye ku xidhaan inuu ka haysto dawladda Muqdisho si ay heshiisyada ay la galaan Baashe ansax u noqdaan

 

Baashe Cawil Cumar(Baashe Morgan) ayaa lagu tilmaamaa inuu wax badan kaga jiro musuqmaasuqa lagu eedeeyo xukuumadda Kulmiye iyadoo uu qayb libaax ka qaato qandaraasyada dawladdu bixiso isla markaana uu shaqooyinka heerka dhexe iyo heerka sare ee dawladda qoro rag qurbo joog ah oo sidiisa ku soo fashilmay noloshii dibadaha.Wiilkan ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa liiska xubnaha xukuumadda Siiraanyo ee niyad jabka ku rida dhalinyarada dalka ee markay jaamacadaha ka baxaan camal la’aanta la daanduuma iyadoo rajo-beelka ay ka qaadaan ee aakhirka ku kalifa inay dalka ka tahriibeen ay tusaale ugu soo qaataan cadaalad xumada,musuqa ,qaraabo kiilka iyo ku tagrifalka awooda dawladeed ee uu waliba si gaar ah ugu dhaqmaan  Baashe Morgan iyo xubnaha kale ee qoyska madaxtooyadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here