Dugsigii Sare Ee Laasodacawo Alabaada Loo Xidhay IYO Sababaha Lala Xidhiidhinayo Halkan ka akhriso

0
290

Berbera (Ceelgardinews.com) Dugsigii Sare ee Laasadacawo oo albaabada loo xidhey ka dib markii Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare somlailand fashilantay mushahaarooyinkii Macalimiinta, sadexdii Todobaad ee u la soo dhaafeyba albaabka looma furin dugsigan ka dib markii gudoonka waxbarashada gobolka saaxil ay ku wargeliyeen macalimiinta ka hawlgala dugsigaas inay albaabada u soo xidhaan dugsigaas maadama oo aanu u hayn mushkiladan. dhacdadan waxa noo xaqiijiyey waalidiinta ardeydan oo qaarkood cabashada arintan ay u yimaadeen magaalada berbera. walidiintan ayaa saaka wejigabax kala kulmey xafiiska waxbarashada gobolka ka dib markii uu ka muquurtey inuu xafiiska yimaado Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka saaxil Ibraahim Digaale. arintan ayaa fadeexad ku ah maamulka Gobolka iyo wasaarada waxbarashadaba maadama School kan ay hore u dhagax dhigtey Marwada madaxweynaha JSL sheegtayna in xukuumadu bixin doonto qarashka dhismaha iyo ka macalimiintaba. nasiib darase Schoolkan oo hada furnaa 4 sano waxa gacanta ku hayey dadka deegaanka marka laga reebo laba fasal oo ay ha’yadi dhistey iyada ay jirto baahi galaasyo kale imikana ay bilaa fadal yihiin hal Class oo ay banaanka ku dhigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here