DUUNYO KAA CARARAYSA AYAA LA CESHADAAYE DAD KAA CARARAYA LAMA CESHADO.

0
431

Waxaan qirayaa in saaxiibadaydii odayaashaydii wakhtiga adag aanu soo wada marnay sidoo kalena caanka ku ahaa ololaha habeenimo ay ku biireen xisbiga waddani.

ILAAHAY SW ayay tiisa tahaye meesha waa la kala shaqaystay waxaanay u muuqataa inaanu kusoo hadhnay sariir bilaa furaash ah.

Waxaanan ka xumahay in garabyadaydii midig aanu maanta kala aragti noqonay.

waxaa sidoo kale muuqata in kulmiye dayacay sooma jeestayaal aan lagaga daba dhufan inta u dhaxaysa berbera iyo hargeisa ilaa waqooyiga hargeisa, gubanka iyo xeebaha galbeed.

si kastaba ha ahaatee maanta iyo maalin waddani kubada kaligii ku laagan doono goolka dhibcahana dibada ka qaadan doono.

Iyo kulmiye oo ciyaarta taarabuunka ka daawan doona isagoo arkaya in gool ku laag ku socdo.

ugu dambayn anigoo wakhtigan kulmiye ah haddana waxaa ii muuqata meesha raga maraya lamana dhayalsan karo waana laaciibiin khibrad dheer u leh sida dadka loo hanto deegaanada ay kasoo jeedaana aad looga tix geliyo.

Hadaba maanta haka filanina khudbado dhaadheer oo aad loogu sacabo tumo oo Fagaaraha lula.
balse waxaad ka filataaan inay shaqadooda lixda habeenimo bilaabaan faqana kusoo Xero geliyaan kumaan kum kale oo wali aan mawqifkooda cadayn ama xisbiyada kaleba ka tirsan.

Xiis Maxamed Cilmi ( Shanfool ) .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here