Erdogan ” Waan in la baaraa caafimaadka Maskaxda madaxweynaha Faransiiska

0
337

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weerar Afka ah ku qaaday dhaggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron isaga oo sheegay in uu ku khafiifay naceybka dadka muslimiinta ah.

Erdogan ayaa yiri” Waxaa uu u baahan yahay in la baaro caafimaadka maskaxdiisa, waayo waxaa uu ku khafiifay dadka muslimiinta ah.

Waxaa uu  hadalkiisa sii raaciyay” Maxaad  ku tilmaami kartaa madaxwayne dal oo malaayiin diin haysata ula dhaqmaya sidan, marka hore baaritaan dhanka maskaxda ah isku soo samee,” waxaa sidaasi magaalada Kayseri ka Yiri Mr Erdogan khudbad laga siidaayay telefishinka dalkaasi.

Dalka Turkiga ayaa aqlabiyada dadka ku nool waxay yihiin Musliin, islamarkana Turkiga waxaa uu xubin ka yahay kaashaanbuurta Nato.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu dalka Faransiiska Nin careysan ku gowracay Macalin la sheegay in uu Ardeydisa  u soo bandhigay Sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabbi Maxamed NNKH, waxaana tallaabadaa lagu dilay macalinka siweyn u cabaareeyay madaxweynaha dalka Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here