EX. WASIIR XIRSI OO BIYO QABOW KU SHUBAY WARAR XISBIGA WADDANI KUSOO JIIDANAYEY XUBNIHII XUKUUMADDA/KULMIYE DIBADA UGA BAXAY

0
377

– Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hoos u dhigay warar maalmahan soo baxayey oo sheegayey inay gebo gebo ku dhaw yihiin wada-hadalladii xubnihii xukuumadda iska casilay kula jiraan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Wasiir Xirsi oo u warramay telefishanka BULSHO TV, ayaa meesha ka saaray in xubnaha uu hoggaamiyaa wada-hadal gaar ah kula kula jiraan xisbiga WADDANI, waxana uu si cad u sheegay in labada xisbi mucaaridba ay wada-hadal la wadaan, isla-markaana aanay weli go’aansanin inay xisbi gaar ah la midoobaan, “ma aha WADDANI oo kali ahe labada xisbi ee mucaaridka ahba wada-hadal baanu kula jirney, ilaa haddana wax go’aan ah oo kasoo baxay ma jiraan, laakiin in muddo ah baa la wada hadlayey imikana kulamadii dib bay u bilaabmayaan, taas ayuunbaana laga yaabaa in dadka qaarkood u fasirteen hawshii way dhammaaatay, waxanse rajaynayaa in is-fahan kasoo bixi doono.” Ayuu yidhi ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Xirsi Cali oo hadalkiisa sii wata, ayaa daaha ka fayday kulamo gaar ah uu la qaatay xisbiga UCID, kuwaas oo aan weli wax natiijo ahi kasoo bixin, waxana uu yidhi,“labada garab ee UCID waanu sugaynay oo waa kuwii maxkamadda ku jirey, labada garabna waanu aragnay, dhawaanna intii aan England joogay qaarkood baa UCID ii yimi, dabadeedna qaar baa ii yimi, WADDANI-na sidoo kale, markaa wada-hadalku wuu socdaa rajo fiicanna waxana ka qabaa in heshiis la gaadho.”

Mudane Xirsi, waxa uu sheegay inay jiraan xubno fikirkiisa aaminsan oo xukuumadda ku jira,“Is-bahaysigu xisbi ma ahee waa badh kamid ah xisbiga KULMIYE, waana ash-khaas kala duwan oo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba jooga, waana afkaar siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin qaar dawladda u shaqeeya, qaar cid gaar ah u shaqeeya iyo qaar saxaafad ahiba, ash-khaastii hormoodka ka ahaydna way fiican yihiin.” Ayuu yidhi xirsi Cali.

Su’aal laga weydiiyey xubnaha hore uga tirsanaan jirey is-bahaysiga xukuumadda ka baxay oo dib ugu soo noqday xisbiga iyo xukuuddaba, ayaa waxa uu yidhi,“nimankaas saaxiibaday ee aad carrabka ku dhufatay waa saaxiibaday, wanaagna waanu ku kala maqannahay.”

Hadalka kasoo baxay Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ayaa biyo qabow ku shubay warar uu dabada ka riixayey xisbiga WADDANI oo sheegayey in xubnaha diibad-wareegga ka ah xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ay dhawaan la midoobi doonaan xisbiga WADDANI, taas oo ay libin kaga doonayeen taageerayaashooda.