Falanqaynta Xil Ka Qaadistii Wasiir Abgaal Iyo Taliye Xiirane Waa Xabaal Gayntii Suuqii Xorta Ahaa Ee Ganacsiga Somaliland –

0
305

Berbera(Ceelgardinews.com):-Inkasta oo uu xilku meerto yahay ayaa hadana Xilka qaadistii u dambaysay ee uu Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyay Wasiirkii Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda ee Somaliland, ayaa waxa ay tahay talaabo hor leh oo ay qaaday Madaxtooyada Somaliland, isla markaana dareen iyo wax iska waydiin hor leh ka dhex abuurtay bulshada rayidka ah, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya sida ay wax u dhaceen iyo waxa uu Madaxwayne Siilaanyo u cuskaday xil ka qaadistaasi.

Arinta ugu wayn ee ay dadwayne badani liqi kari la’yihiin waxa ay tahay, sida ay Somaliland u tahay dal curdin ah oo
hadana ku faana in uu dimuquraadi yahay, intaana ay dheer tahay in Suuqa ganacsiga ee Somaliland uu yahay mid xor ah, oo furfuran oo cid walba ay ganacsiga ay u baahan tahay samayn karto ayaa hadana waxa wax lala yaabo ah inay  Madaxtooyada somaliland  tidhaa suuqa internetku waxa uu u xidhan yahay cid gaar ah

Waxa sidoo kale xusuus mudan, in hoosta laga xariiqo in helitaanka internet ka guud ahaan, gaar ahaana midka loo yaqaan Fiber optic bada hoosteeda la soo mariyay ee ilaa hada dalka Somaliland soo gaadhay uu yahay mid gaabis ah oo aan bulshada ku  filnayn, isla markaana uu ku kooban yahay  magaalooyinka waa weyn.

Hadii xaalka suuqa internetku sidan yahay, waxa is waydiin mudan maxay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, ku doorbiday in ay tidhaa suuqu wuxuu u xidhan yahay shirkado gaar ah oo markii horaba aan awoodayn in ay dadka internet ku filan siiyaan, sidoo kalena maxay tahay dulucda ka dambaysa in xukuumadu ay is hortaagto cid wada dan guud oo bulshada u dan ah, si tartanka xorta ah ee suuqa ka jiraa u noqdo mid furfura suuqa isla markaana qiimaha hoos u dhiga.

Arintan ayaa loo micnaysan karaa gef ka dhan ah suuqa xorta ah ee dalka ka jira, sidoo kalena waxa ay u muuqataa in la gawracay xoriyadii suuqa iyo nidaamkii furfurnaa ee dhaqaalaheenu ku dhisnaa, sidoo kale arintan ayaa ah mid quus ka muujinaysa in suuqa Somaliland lagu dhiirado si wax cusub loogu soo kordhiyo, waana talaabo hor leh oo niyad jab ku abuuraysa in ay dadku fikiraan oo baahiyaha ka jira suuqa ee ay bulshadu qabto wax ka qabtaan, masuuliyada intaas leeg ee dib u dhaca, kacaankii ku dayashada, kala mudnaan siinta muwaadiniinta, eexda, iyo cid garabsaarka ah ay yihiin kuwo uu dambarkeeda maalayo Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

Dhinaca kale marka loo yimaad dhacdadii u dambaysay ee xil ka qaadista ahayd ee M/Siilaanyo ku sameeyay Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal iyo Taliyihii Ciidanka Badda ee Somaliland General Xiirane ay tahay mid gaf ku ah, hanaanka dawladnimo ee dalka ka jira, sidoo kalena boog aan dawo loo heli doonin ku dhex abuuraya bulshada Somaliland.

Sidii aan horeba u soo sheegay Xilku Waa Meero oo muran ma laha cida uu muadaxwaynahu u igmanayo iyo cida uu ka qaadayo, waxase yaableh, waxa kala reebay rag door ah oo hawsha ku wada jiray, qaybna ka ahaa heshiiskii shirkada Telesom loogu ogolaaday in bada Somaliland ay soo marisa internetka Viper-Optic dalkana soo gaarsiiso.

Hadii aan dulucda qalo, waxa la wada ogsoonyahay in ka hor intii aanu Wasiirka Boosaha iyo Isagaadhsiintu Saxeexin heshiiskaas, in Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Mareexaan, ay labaduba qayb ka ahaayeen dhiraan dhirinta qodobadii heshiiskaas, sidoo kalena ku taageereen, soona dhaweeyeen, una gogol xaadheen in heshiiskaasi uu yahay mid danta bulshada u adeegaya, loona baahan yahay in dadka looga faa,iideeyo internet xawaarahiisu sareeyo qiimahiisuna jaban yahay, sida kaliya ee lagu heli karaana ay tahay in Suuqa xorta ah laga faa’iideeyo.

Sidoo kale waxa la ogsoon yahay in Wasiirka Madaxtooyadu uu gaashaanka u daruuray amar ka soo baxay Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor oo is hortaagay markabkii sahanka samaynayay markii uu yimid dekeda, Berbera, sidaasna uu markabkaasi dalka ugu soo xidhay oo uu diyaar u ahaa in uu hawshiisa bilabaabo.

Xaalkii sidaas ahaa ayaa waxa yaab leh, waxa uu madaxwayne Siilaanyo u kala reebay raggii isku dhinaca ahaa ee heshiiskan wada ogolaa ee danta bulshada u adeegayay, isla markaana ay seeftiisu u noqotay mid u fudud in ay qaado Laba Masuul oo ka soo jeeda Beelaha darafyada, halka ay labii Masuul ee kale ee ay Madaxwayne Siilaanyo isku haybta ahaayeena ay noqdeen kuwo wali xilkii sii haya, waxase ay  su’aashu tahay, maxaa ragan kala reebay, Madaxwayne Siilaanyose ma ogyahay in talaabadan uu qaaday ee uu labadan Masuul ee dantii bulshada waday uu ku eryey labada kalena uu kaga reebay in ay tahay boog aan dawo loo helayn oo qaranimada Somaliland ku dhacday, waqti loo baahan yahay in mid nimada umada la xoojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Labada Masuul ee xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa ah kuwo xilkoodii ku waayay u damqashada bulshada iyo dhiiri galinta Suuqa Xorta ah ee dalka ka jira, waloow ay xukuumadii Somaliland noqotay mid ku guul daraysatay hirgalinta suuqa xorta ah, iyo u sinaashaha Muwaadiniinta ee dhinaca Masuuliyada iyo soo galida Suuqa xorta ahba. Waxana uu gunaanad ku yahay Madaxwayne Siilaanyo ma u muuqataa sida ay bulshadu ugu baahan tahay in ay hesho Internet casri ah oo xawaarahiisu sareeyo, oo dunida inteeda kale ku xidha, kaas oo maanta ah mid aan dalka ka jirin, sidoo kalena aanay bulshadu sugi Karin Mudo 25 sano ah oo suuqu cid u xidhnaado, cidaasina ay tahay cid aan daryeeli Karin bulshada baahida u qabta, sidoo kalena  baahida helida internet ee bulshadana aana buuxin Karin.

Muse jama
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here