Falaqayn Xalada Siyaseed Somaliland .Proffer Khadar Xasan nuur .

0
296

Falaqayn Xalada Siyaseed Somaliland .proffer Khadar Xasan nuur . Hawdo Hassan

Maanta waxaa iska cad, oo markhaati ma doon ah in 60% shacabka reer somaliland ay taageersan yihiin xisbiga wadani. waxaa sidoo kale iska cad hadii doorashada madaxtinimada ee soo socota 2022, hadii ay ku tartamaan madaxwayne muuse bix oo u sharaxan xisbiga kulmiye, iyo Cabdirahman Ciro, oo u sharax xisbiga mucaaridka ah wadani, ay guusha doorashadu si fudud ku raaci doonto xisbiga mucaaridka ah ee wadani.

Markaa haddii la rabo in xisbiga kulmiye, mar danbe si dhib yar u guulaysto, xisbiga kulmiye waxaa la gudboon in uu ku dhaqaaqo qodobaddan hoos ku xusan:

1. Waa in Madaxwayne Muuse biixi ka tanaasulaa gudoomiyenimada xisbiga kulmiye iyo musharaxnimadiisa madaxwaynanimo ee 2022, taasi badalkeedana qaataa mudo kordhin laba ama sadex sano ah.

2. Waa in xisbiga loo doortaa sida ugu dhakhsaha badan, gudoomiye cusub iyo musharax cusub oo xisbiga hawlihiisa dardar galiya, isla markaasina hanan kara hogaaminta xisbiga kulmiye iyo tageerayaasha xisbigaba.

3. waa in dib u habayn baladhan (Reform) lagu sameeyaa xisbiga kulmiye gudihiisa iyo dibadiisaba.

4. Waa in xisbiga kulmiye dib laysgu yeedhaa qoorwayntiisa kala irdhawday, tabashadoodana la xaliyaa, lana mideeyaa, si loo dhaliyo guusha danbe ee xisbiga.

5. Xisbiga kulmiye waa in uu dib ugu noqodaa, boodhkana ka tumaa shacabkii taageerayaasha iyo garbaha u ahaa xisbiga kulmiye, kuwaasi oo ku dhaqnaa dalka gudihiisa iyo dabadiisaba. waa in sidoo kale xisbiga kulmiye dib ugu noqodaa goboladii iyo dagmooyinkii uu taageerada laxaadka leh kulahaa, isla markaasina wax ka qabtaa cabashooyinka yaal deegamadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here