Fasaxa Shaqaalaha Dawlada ee Munaasabada Ciida Arafo

0
406

 

Uj: Fasaxa Shaqaalaha Dawlada ee Munaasabada Ciida Arafo

Hay’adda Shaqaalaha Dawladu markay garwaaqsatay, in berri oo jimce ah 09/08/2019 oo fasax la yahay, maalinta sabtida ah ee ku xigtaa oo ahayd maalin shaqo sida jadwalka shaqaaluhu dhigayo, balse ku beegan maalinta carafa xujaajtu joogaan, taas oo inta badan dadku soomaan iyo labada cisho ee ku xiga oo fasaxa ciida noqonaya.
Sababtaas awgeed iyo iyadoo la tixgelinayo in loo fududeeyo Shaqaalaha Dawladu si ay ugula ciidaan caruurtooda iyo xaasaskooda farxad, rayrayn iyo diyaargarow ku filan, Hay’adda shaqaalaha Dawladu waxay idinku wargelinaysaa in maalinta sabtida 10/08/2019 ay tahay fasax loona tixgeliyay in shaqada laga nasto.
Waxa kale oo sidii sharciga ahayd fasaxa Ciida uu yahay 2 cisho oo ah maahmaha Axada iyo Isniinta 11-12/08/2019, iyadoo shaqada lagu soo noqonayo maalinta Salaasada 13/08/2019.
Shaqaalaha goobo shaqo ka socoto maalmahaas ka hawgalaya, iyagu way shaqaynayaan.
Waxaan hambalyo iyo salaan u dirayaa dhamaan Shaqaalaha Dawlada, xaasaskooda, caruurtooda iyo guud ahaan shacbiga JSL oo aan leeyahay ku Ciida bashbash iyo barwaaqo.
Sanadka sanadkiisana ku gaadha Nabad iyo Horumar Insha Allah.

Kuli Caam Wa Antum Bilkhayr
Ciid Mubaarak

Farxaan Aadan Haybe
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here