FULINTA WACYI-GELINTA IYO BARASHADA DASTUURKA JSL: W/Q DG-Jamal A. Muse »

0
368

°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°
“Xarunta Akhriska Ee Nuur, Ee Dhacda Xafadda Sheekh Nuur, Kor u Qaadista Fahanka Iyo Aqqonta Dastuurka”
++++++++++++++++++++++++++
• Ugu horreyn, ka Wasaarad ahaan waxaannu hawl-fulin shaqo oo ku saabsan wacyi-gelinta Iyo Barashada Dastuurka JSL la qaadannay dhallinyarada Xarunta Akhriska ee Al-Nuur oo ku taalla xaafadda Sheekh Nuur, degmada Gacan-Libaax ee Magaalada Hargeysa.

• Xaqiiqdii, dhallinyaraddan oo hormood u ah Xarunta Akhriska Ee Nuur ayaa si heer sare ah u soo agaasimey dhallinyar ka kooban 30 qof, oo muddo labo maalmood ah qaadanaya tababar Dastuur iyo casharro Waddaniyadeed oo ku lingaxan fahan guud, waafinimo dawladdeed, ummadnimo, qarannimo, midnimo yo kordhin waddaniyadeed.

• Sidoo kale, aniga oo aad ugu faraxsan wakhti la qaadashada dhallinyar hammi iyo higsi qarannimo leh, waxa dulucda hadal jeedinteyda ka mid ahaa qodobadan soo socda:
1. Ahmiyadda Xarun Akhris iyo doorka addeegyada kobcinta, aqoonta, nidaamka la qabatinka wax akhriska, hormeynta xaddaaradda, dhigaalka taariikhda dalka iyo dadka, iyo joigteynta shaqada wanaagsan ee Nuur Library u hayo bulshada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Sheekh Nuur.

2. Waafinimada bixinta tababar Dastuur iyo wacyi-gelin waddaniyadeed oo la siiyo dhallinyar ka kooban wiilaal iyo hablo.

3. Muhimmadda heegannimada iyo gudbinta addeegyo Dastuur oo Wasaaradda Dastuurku la wadaagto bulshada sheekh Nuur iyo guud ahaan bulsho-weynta reer Somaliland.

4. Kobcinta Fahanka Aqoonta, iyo Ka faaiideysiga wakhtiga dhallinyarnimada oo ku suntan xilli dahabi ah oo qofku qaadan karo go’aamo naftiisa saameyn togan ku reeba. Sida inuu kor u qaado tacliinta oo uu noqdo darbane qalin iyo buug, islamarkaana fahmo taariikhda iyo cilmiga dhigaalka ah, halkii uu ku xidhnaan lahaa faan iyo tebin affeed baylahsan,

5. Sii xoijinta kor u qaadista fahanka wacyi-gelinta iyo barashada Dastuurka, waayo dastuur waa heshiis qaran iyo heshiis bulsho. Dastuurka waxa ku duugan xaqa qofka, xaqa qaranka, xaqa bulshada, sinnaanta muwaadiniinta, wadaagga ummadnimo, iwm.

6. Weyneynta iyo u darbanaanta barashada taarikkhda ummadnimo iyo sooyaalka dalnimo ee Somaliland oo marka ay ummadnimo tahay ka soo alkunmaya dir-sooc addowgeedka Cushitic iyo degannaanshaha degsiimo taariikheedda Jamhuuriyadda Somaliland oo dhacda gobolka Geeska Afrika, oo xeelliga ku haysa badda cas ayaa ka mid ah dhulalka la rumeysan yahay in Aadmigu ka hayaamay. Dhinaca kale, kal-tirsi taariikheedka dawladnimada JSL, ayaa ah qarannimo gun-dheer ka soo bilaabmaysa:
▪Halgankii Axmed-Gurey,
▪Nidaamka maamul ee dhaqamiga ah,
▪Heshiiskii English iyo Somaliland,
▪Halgankii Daraawiishta Iyo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan,
▪Qaadashadii xornimo dal ee1960-kii,
▪ Halgankii Dib u Xoreynta Ee SNM,
▪Yagleelkii Dawladnimada Iyo Dib u Heshiisiinta Somaliland,
▪ Qoristii Ahdi Qarameedkii Borama,
▪ Qoristii iyobhirgelintii Dastuurka JSL,
▪Binneyntii iyo taabagelintii nidamka xisbiyada badan, doorashooyinka iyo geeddi-socodka hannaanka dimuqraaddiyadda dalka.

Ugu danbeyntii, ka Wasaarad ahaan Waxa naga go’an fulinta adeegyo dadku mahadiyo oo kor u qaadaya caqliga, fahanka iyo garaadka Waddaniyadda dadweynaha JSL. Run ahaantii, si gooniya waxaannu iskaashi shaqo oo ku sargo’an inta aannu kaga aaddan nahay waajibaadyada shaqo ee Wasaaraddu qaranka u hayso la wadaageynaa Xarunta Akhriska Ee Nuur oo ku taalla Xaafadda Sheekh Nuur, Hargeysa iyo dhammaan bulshada ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh.

Jamal A. Muse

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here