Gabay Berbera waa kaa xaraashay

0
402
Kaga boggo Ceelgardinews.com Gobeyga Berbera waa ka xaraashey :-
Abaartii ina riyaale
Middii adimada u siibtay
Middii dhab libaax ku aastay
Middii udub kiiba xoortay
Markii laga soo ildoogey
Tiiyoon adhiguba samaanin
Waa tii siilaanyo eegay
Waa tii ala laasku yeedhay
Waa tii ooshuba harraaday
Waa tii Aaboow du yeedhay
Markuu aarbaca dhamaystay
Waa kii agaraadam seexday
Sidii igadh kii maqaarka 
Hashii loo yare ursiiyey
Dabeed olol kii la maalay
Wa kaa abid noo hor jiifa
In uu awr kale ku guuxo
Si ay dhaqan ugu Ekaato
Wa taa lagasoo irdheeyay
Abaaho wataa ku seegtay
Wataa gujo lagu irmaanshey
Wataa ibihii kuryoobey
Wataa afartiiba beeshay
Si uu olol uga yar baadho
Cadaani wa kaa ku ooyey
Wa kaa ina xaashi beycshey
Emaaraat waa ka siiyay
Si aan inan wiilka kaydku
Beryahan ugasii idlaanin
Berbera waa taa la iibshey
Wa kaa baarlamaanku oogta
Af labadii waa ka yeedhay
Wataa odayaal la jiidey
Haddii adimada la taago
Isagu asalkaba ma doorshe
Wakaa ina (muuse) dhuuntay
Si ay anfariirka qaylo 
Agteena u soo sulaaqdo
Nin kaan meel aynu aadney
Tan iyo maantaynu eednay
Aftidi lagu wada khasaaray
Agteena mar soo istaagin
Ayaa amminteer baroortay
Aniga waa ii ildoogsi
Arladan buurtii la iibshey
Banaankii laga ijaaray
Israa’iil laga kereeyay
Birtiyo agabkii dalkayga
Hadhaadigi ina siyaad’na
Wixii efentery lahaaba
ETHOPIA loo xamuulay
Muxuu odaygii wakiilku 
Afkeena kusoo mataali?
Hadaan dhalinyarada eego
Hadaan ubucdii u yeedho
Hadaan adhaxdiina taabto
Aniga waa iga su’aale
Maxaad Qalinleoow aroosi?
Haddii ciiddii la iibshey
Hadmay ooriyi ku deeqi?
Ileeye muxuu ku faani?
Muxuu calmadow amaani?
Hadmay noloshii iftiimi?
Haddiiba lasii ijaaray!
Israa’iil loogu yeedhay!
Muxuu ina Haykal maali?
 Maxamed-Haykal
Hadmuu xoor ka intifaaci?
Haddii igadhkii la qaaday
Gaaroodi haddii la ootay!
Haddii idhankii la jeexday!
Afmeer na ilaalo joogto?
WT: 
Abdijibaar Aaden Gaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here