Gabay Cusub ” BADBAADO ” waxaa tiriyey Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool .

0
844

BADBAADO 10.May.2018

wuxuu yidhi :-

Bogcad layska sheegtiyo arliga iyo beero iyo seesas.

Berked laysku diidiyo xigaal xumo u baaqaayaa.

Benderkiyo hadday tahay miyi-ba laysku bixin waaye.

Waxa barobagaandhada hor kaca baar caddii oday-ye.

Boqoriyo cuqaashaan jeclayn dirir baqtiinteede.

Bariiskii wuxuu galay halkay beladu taalaaye.

Cishadaan birraha laysku tuman quud la bidhan waaye.

Siyaasiguna beelaha nabdoon wuu ka ba,ayaaye.

Bug markay tidhaahdee Halyay beerka laga toogto.

Ayaa bookhashada lagu tagaa lagu bogsoodaaye.

Cabdi biixiyoow khayrki waa lagu bukoodaaye.

Is banbaani waa aakhir seben xumo la beeraaye.

Iyadoo bunduqa meel kastaba qaraxday baaruudu.

Bixisadu degmada ceel af-weyn dhigatay beedkiiye.

Bulshadiyo dadkii wada dhashaa boqol ka lee’deene.

Iska daa badbaadiyo xal iyo baashiraad qarane.

Buun buunin iyo lagu dhex tuur been ku dhagarayne.

Dhaartiyo bilaha laysku maray waa bar kuma taale.

Mar haddaan ILAAH laga baqayn dhimay baxnaankiiye.

Dab iblays babinayaa ma damo waanu baxayaaye.

Iyadana bahdoon waxa ka jira buuq kaloo ugube.

Masuulada umaan bogin warkay baahiyeen gebiye.

Baajiya colaadaha haddii loo balami waayo.

Biyihiyo intii wada degtaa baadka wada yeelan.

Barakada ALLIYO way gudhaan baraha roobaade.

Baxarkiyo abaaraha dhaciyo ciida basanbaastay.

Baddaa madow malaygaa ku jira baakhad iyo deerag.

Bustaanada midhiyo lagama helo dahabka buuraaye.

Inta ay barwaaqadu jirtee baahi laga dheeryay.

Aadmigu bakhaan bakha ma jaro kibir la bood boode.

Cishaday busaaradi dhacdana waa baryo u jooge.

beegsada wanaagoo intaad baafisaan samaha.

Ku bariista maan wada jiroo baal u wada jeesta.

Ladnaantiyo bushaaradu dad yahow yaanay baylihine.

Bah is jecel ahaado midnimo boogta ku ilaasha.

 

DHAMAAD Xiis maxamed cilmi ( shanfool )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here