Gabayga JABEEYN waxaa curiyey Abwaan Xiis Maxamed Cilmi ( Shanfool ) Wuxuuna Kaga Hadlayaa Dareenka Siyaasadeed Ee Aqoonyahan Jamal Ali Hussein

0
355

JABEEYN :-

GABAYGA JABEEYN WAXAA CURIYAY ABWAAN XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL ) WUXUU KA HADLAYAA DAREENKA SIYAASADEED EE AQOON YAHAN JAMAAL CALI XUSEEN IYO XAALADA WAKHTIGAN. GABAYGAN JABEEYN WUXUU SOO BAXAY 08.DEC.2016. WAXAANAN KU BILAABAY SIDAN HOOS KU QORAN.

WUXU YIDHI :-

Jare oodan waayahan jiraban jaaniska is doorshay.

Xaajada jiqda ah iyo wakhtigan xaalka kala jeeda.

Kulmiyiyo jalbeebaha waddani kala jeclaantooda.

Xulashada jamaal cali xuseen kuu la jiri doono.

Jihaduu Dan moodiyo rugtuu janta dhigi doono.

taageerayaashii jibada jiirta kala booday.

Iyo jeeska reernimo tolkii jeerkan inu raaco.

Jeedaaladuu labada daran kala dhex joogaaye.

Waa Jaranjar dheeroon si fudud loo jid bixinayne.

Iyadooy jabeeyn tahay xalkuna halis kasoo jeedo.

Jabkeed ucid-na way moogan tahay jaarigaa dhacaye.

Jirjiroolihii faysal inu jaaqla miranaayo.

Oo aanu jago libini taal jiqilka saaraynin.

Jaanjaanku wuu seegan yahay jabad barwaaqeede.

Naftiisuu la dhacay jeedaloo awr jinbow rarane.

Jibaadkiyo markuu guul darada jiibta ku hungoobo.

Ayuu joharaduu shalay dayacay jaa,is u ogaane.

Afartaa dheh jees jees intoon jiimka ka hihaad-shay.

Ma jibaaxay hawlahays barkaday kala janjeedhkooda.

Markay taladu kaa jiifsateed juuqda kari waydo.

Marka lagugu jujuubee Xigtiyo jees ku amar Siiyo.

Jugta kii ku baday lagu yidhaa jiidhka ugu hiili.

Jadwalkiyo waxaa kaa khaldama jilib dhigaagiiye.

Jiriqsiga adoo ciil qaboo jiifka ledi waayay.

Jidhidhico qamuunyada il daran jaho wareerkeeda.

Hankaagiyo rejadi jeleban tahay holaca loo jiidhay.

Jarjarkiyo adduun kaa baxoo madhanyay jeebkaagu.

Jiradii mag-dhaw iyo ka helin dhaymo jala boogta.

Juurida garsoorkana u qaba godobo dhawr jaada.

Janan aad u cabatiyo maxkamad quus ka wada jooga.

Dantaadiyo waxaad jaqafsataa jaale gooniga’e.

Junuud iyo hadduu nacab u galay cadowna jaar mooday.

Waxba yaan jikaar iyo xumaan jaale loo qabine.

Isba wuxu u jeel qabay ma helin jamashadiisiiye.

Juhdigiyo khasaaroow kursiga jaamuska ahaaye.

Himiladi jaxaasnayd haddii uu rag kala jeexay.

Jamaahiirtu haw kala kaceen jiido fara weyne.

JALIILKAA wax bixiyee mar kale suga jawaabtiisa.

 

Dhamaad Xiis maxamed cilmi ( shanfool ) Berbera somaliland.