Gabaygan oo magaciisa la yidhaa FADUUL wuxuu soo bacay 20 January 2017 , waxaana tiriyey Abwaan Xiis Maxamed Cilmi .

0
395

Gabaygan oo magaciisa la yidhaa FADUUL wuxuu soo bacay 20 January 2017 , waxaana tiriyey Abwaan Xiis Maxamed Cilmi .

Wuxuuna yidhi :-

Fankii gabayga faaladi murtida furihi suugaanta.
Faalaadhihi tixaha iyo hubkaan sare u fiiqaayay.
Intii aan ku foororay Araar shacabku fiireeyo.
Filashada wakhtiga taagan deyay waxa fog saadaalshay.
Sida fiinta uga qayliyee furimo sii sheegay.
Fahansii dadweynaha lahaa waxaanay fiiraynin.
Felegiyo maluugaha cabiray Een fasilay xaalka.  Xisaabaha intoo aan furfuray faylal badan kayd-shay.
Faqa iyo si guud aan intaba sheeko badan faafshay.
Bayaanada fariimaha ku qoray amase fays buuga.
Fajac iyo markay igu kulmaan foore subaxeedku.
Khamiisaha sidii faaliyaha fooxa ku hamsiiyay.  Faseex aan Quraanka u akhriyay faataxada diinta.
Furqaan iyo xadiisyada ku ladhay faracyo aayaad ah.
Farxad iyo wixii maqan rejada khayr-ka filanaayay.
Faa,iido daa iyo wanaag faa,isoon helo’e.
Falaaguu nafluhu ii arkiyo fayras aan bixine.
Ficilkaygu godob-buu ka tegay aad u faro weyne.
Falkaygii dhamaantii hadii uu fidh noqon waayay.
Maantaba faruuryaha ka xidhay qawl farshaxankiiye.
Gacmahana ka jaray feegarkiyo midhihi fiicnaaye.
Inkastoon sidii webi fatahay feedh walba u baahay.
Faduul aan dhaliilaha rag badan fadhayay ceebtooda.
Fagaarihi baneeyoo hadaba faashki waan dhigaye.
Fanto iyo fayoonaan midkaan foomka u egaaba.
Fareejada bakhtiiyoo khatimay cid iska fuulkiiye.
Faynuuska jeeroon ku shiday xumo fuyuuskayga.
Fidmadiyo dulmiga aan bulshada Daaha uga fayday.
Dhibka jira filkay oon ka hadal ceeb fashilay huursan.
Mar haddii furaha waanaduba uu cid furi waayay.
Fandhaalada ha qaataan kuwii faasuqa ahaaye.
Farsamiyo Intii xeelad lihi belo ha feentaane.
Budhcadii u faasaxay hantida fadhatadeediiye.
Fiisaha ha goostoo Shar wadde faynal haw baxo’e.
Abwaanadu fadliga haw bad-shaan fooljaraysiga’e.
Aqoon yahanku yuu fara farayn fiiq baraysiga’e.
Fasahaadka yay sheekhyadiyo culimo fiirayne.
Fiishtii ka gooyoo dabkiyo laambadii furaye.
Ha fadhido halkeedaa samihi wuu fidigayaaye.

DHAMAAD

 

XIIS MAXAMED CILMI (SHANFOOL)