Gabiley: Wasiir ku-xigeenka Arr. Gudaha Iyo Xildhibaan Isku Weeraray Hadalo Caadifad Xambaarsan

0
343

Gabiilay (Ceelgardinews.com) Xildhbaan Cali Gabiley oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiiladda ayaa fagaare ka aflagaadeeyay gobolka Sool isagoo sheegay in gobolka gabilay lala simo gobolka Sool oo uu sheegay inay u yaqaanaan ruus, isla markaana waxa arrinta ka jawaabay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Jamaac Biin oo sheegay in aanu Cali Gabilay gobolkiisa u dagaalamin sidii uu noqon lahaa gobol, isagoo in badan ka mid ahaa xildhibaanadda golaha wakiiladda.

Labaddan masuul waxay sidaa ka sheegeen munaasibad xilalka loogu kala wareejinayay badhasaabkii hore ee gobolka Gabilay iyo badhasaabka cusub ee gobolka loo soo magacaabay.

Ugu horren Cali Gabilay oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Waanka naxay inta Gobolkii Gabiley laga tegay oo Sool la tegay la yidhi waa la dalacsiiyay Shiine ayaan aad uga xumahay,Gabiley gobolkeeda gunti in lagu hayo way ka weyn tahay, in la nagu darro gobolada ruus ah, ruuska waxa la yidhaahdaa ilmuhu markuu ku raago xanuunku ee uu kici kari waayo, isagoo wayn ayuu leeyay hooyo cadceeda iga qaad, hadda wuu wayn yahay, gobolada uuska ah in Gobolkii Gabiley la barbar dhigo waa ayaandarro”Cali Gabiley

Sidoo kale, Jaamac Cabdiilahi Biin ayaa sheegay in aanay ceeb hayn kalmadda cadaysinimo “Cadaysinimadu ceeb maaha, ceeb lama odhan gabiley, laakiin  adigu waad maagtay Sool,waxaad ku maagtay eray aanay lahayn baad ku maagtay, cadaysinimadu waxa weeyaan weli lama ansixin wax kale maaha,gobolka lama ansixin,adiguna 24 sanno baarlamaanka u fadhiyey oo aan mar qudha kicin tiiyoo Gabiley lagaa soo doortay, in aad ku dagaalanto ayey ahayd in Gobol laga dhigo ama aad isaga tagto. Gabiley markii aan soo maray laamayo qudha oo wanaagsan ku maan arag, meesha uu leeyay Laascanooda aan waxba haynee dowladu u badnayn ee hadh iyo habeen nabadgelyada laga shaqaynayna 12 laami baa u dhamaaday, hadda waa 12 ka u yari uu hal km yahay, dhaqaalaha aad qaadataana waad garanaysaan, madaxda waxaan leeyahay gobolkan wixii aad u soo saartaan geliya magaalada. Sharafta magaaladu waxay ku jirtaa oo gobolnimadu ku jirtaa oo horumarku ku jiraa indhuhu markii ay jecladaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here