Ganacsadaha Shirkada Beeyada ee Asli Maydi Oo olole Ugu Jira Siduu U Bedeli lahaa Maayarka laascaanood

0
283

Laascaanood Ceelgardinews.com ) Warar Xogogaal ah oo soo gaadhaya Warbaahinta ayaa
xaqiijinaya in Ganacsadaha Shirkada dhoofisa Beeyada ee Asli Maydi oo
lagu magcaabo Barkhad Jibriil Xasan oo Kambayn xoog leh ugu Jiro Siduu
Xilka uga qaadi lahaa Maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen
Taarwale.

Wararka ayaa intaasi ku Daraya in Ganacsadahani Uu Maalmihii u
daneeyey u tafaxaydnaa sidii uu Maayarka cusub ee degmada Laascaanood
uga dhigi Lahaa Xildhibaan Fahiima Quuje oo ka tirsan Golaha Deegaanka
Laascaanood Balse Xidhiidh Guur dhowaaan Hargaysa ku dhex Maray
Ganacsadahani.

Barkhad Jibriil ayaa Adeegsanaya Isla markaana fulinaya heshiis
Maafiyanimo oo ay wada gaadheen Naagtiisa oo ku salaysan Gurashada
geedka Dhedinka, Hantidiisa iyo Mid xididnimo sidii xaaskiisu u noqon
lahayd Maayarka Laascaanood waxaana arintaasi la sheegay inuu kala
shaqaynayaan xildhibaano dhul boob ah oo Maayarka Ka liqi waayay dhul
dad leeyihiin maadaama wareegto laga soo saaray dhulka danguud

Ilaa hada Ma jiro fadhi Caadi ah oo ay iskugu yimaadeen golaha
deegaanka laascaanood Marka laga reebo Kalfadhiyadii shaqada ee hore
uga socon jiray golahaasi waxaana Arintani loo wakiishay Xildhibaan
Xuuxuule iyo xildhibaan Cumar oo dhowaan uu Maayarka Laascaanood ka
hor istaagay Dhul beer ah oo uu ku Qabsaday qoys Danyar ah Balse
arintaasi si wanaagsan loogu hanbalyeeyey Maayar Taarwale.

Kooxda Asli Maydi oo aanu isku daynay inaanu arintani wax ka waydiino
ayaanay noo suura gelin Kadib telefanooda oo xidhnaa awgeed balse
wixii kasoo kordha waxaad kala socon doontaan Warbaahinta

Dhinaca kale Qorshahan uu Wado Mulkiilaha shirkada Ganacsiga ee ASLI
MAYDI ayaa Xaqiijinaya in Xildhibaano Gaadhaya 9 mudane Merfesh ay Uga
Furtay Fahiima Quuje Gudaha Laascaanood Xili Xildhibaanada Badankoodu
ay La safan yihiin Duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen
taarwale

golaha deegaanka Laascaanood ayaa ka kooban 21 Mudane waxaana Maayarka
la Socda oo uu Haystaa Kalsoonida 12 xildhibaan

Xaaska Mulkiilaha Asli Maydi Ayaa Gucle orod ugu jirta Qorshe ay Mari
wayday oo lagu soo Afjaraayo Geedka Dhidinka oo Xabagtiisa la isku
Baacsanayo waxaana ay doonaysa inay Goobta fulinta usoo fadhiisato
Anagoo arintaasi xog idiinka diyaarinay idiina soo gudbin doona
Saacadaha soo socda