Go’aankii Geesinimadda Lahaa Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha

0
331

Go’aankii Geesinimadda Lahaa

Sharmake Geelle waa guddoomiyihii u horreeyay inta qaranku jiro daacadnimo, aqoon, awood iyo karti shaqo ku joojiyay 1, 252 oo shaqaale ah oo sifo qaldan ugu jiray liiska shaqaalaha dawladda wuxuu ina tusay caddaaladdii uu ku dhaartay, wuxuu ina tusay in qofkasta oo masuuli daacad ka noqon karo inta uu gacanta ku hayo, wuxuu ina tusay in shaqada adagi ay ka dhalankarto war lagu farxo.

Guddoomiye waxaad rejo galisay inta bilaa shaqada ah, waxaanad dhiirrigalisay inta shaqaysa, waxaad tayayn doontaa inta daacadda iyo diiwaanka gashay.

Waan hambalyaynayaa Sharmarke Geelle Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha oo sammeeyay Dhacdo taariikhi ah.

Aynu garab istaagno oo aynnu taageerno caddaalada iyo cidkastoo wehel u ah.

Mid unbaan ku darayaa in gobolkasta loo qoondeeyo inta ay xaq u hellayso jaaniskaa soo baxay ka dibna gobolkooda imtixaanka looga soo qaado si hufan oo daacadnimadiinu wehel u tahay.

Rakad Mxd Sultan
Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here