GOBOL ISLA DEEGAANKIINNA AH OO IDINKA DAMBEEYAY AYAA JIRA, KAASNA WAXAA LOO GUDBI KARAA MARKA…..”

0
330

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac oo maalmihiiu dambeeyay socdaal shaqo ku marayay gobollada bariga dalka, ayaa intii uu ku gudo jiray safarkiisa waxaa uu  degmada Xudun kulan kula yeeshey  dorraad   qaar kamid ah madaxdhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka degaankaas.

 

 

201551635660635621735326taleex7

Kulankan uu Wasiirka khayrkaadka biyuhu  la yeeshay madax-dhaqameedka degmada Xudun ayaa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha adkaynta nabadgelyada iyo horumarka Degmada, waxaana odayaal kulankaasi ka hadlay ay sheegeen in bulshada ku dhaqan deegaankaasi ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada horumarka iyo  sidii ay wax ula qabsan laheeyeen walaalahooda kale ee Somaliland. Wasiirku waxa uu  dadweynaha deegaankaasi ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diwaan-gelinta codbixiyayaasha ee dalka ka socota, waxaanu yidhi “Ujeeda ugu weyn ee socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhii sidii wax looga qaban lahaa khayraadka biyaha dalka, qorshahayagu waxa uu ahaa in aanu Laascaanoodna laba habeen joogno Ceerigaabana aanu laba habeen joogno, Laascaanood waanu ku raagnay, waxaanu la kulanay dadka lagu tiriyo mucaaridka xaga Somaliland, beesha ugu weyn ee lagu tiriyo mucaaridka Somaliland waa beesha aan ka soo jeedo idinkuna aad ka soo jeedaan, Laascaanood-na wax weyn bay ka muujiyeen iyaga oo isku duuban reer Laascaanood.”  “Maanta kubaddu dhinaca Somaliland bay jirtaa, haddii lagu mar marsoon jiray waxba ma ogola maanta way muujiyeen in ay ogol-yihiin, kubadu xagayaga ayay jirtaa, waxaanu balan qaadaynaa, haddana dawladu way u soo jeedaa, sida ay halkan uga bilaabeen ayaa meelo kale oo badanna looga bilaabayaa,” ayuu ydihi Wasiir Baashe Cali Jaamac, waxaanu intaa raaciyay “Gobol idinka dambeeyay ayaa jira oo isla deegaankiina ah, gobolkaasi oo ah Xaysimo, weli looma gudbin, waxaa la yidhi marka Xudun laga gudbo ayaa halkaana loo gudbi karaa, ee kuwa ka horreeya wax ha  loo qabto.”

“Wax-qabadka xaga dawladda rejo weyn baa ka jirta, waxa kale oo aan u sheegayaa dadweynaha reer Xudun, way innaga fog tahay dawladu, sida aynu wararka u kala helnana way adag tahay, galbeedka Somaliland iyo halka aynu maraynaa way kala fog yihiin tareen dheeraynaya ayaa xagaa laga saaran yahay, cod baa lagu kala baxaa, sidii aynu ula qabsan lahayn, diwaan-gelin iyo codayn baa soo socotee codkeenna aynu ku tallo galno, inta aynu is diwaan-gelino aynu codkeenna wax ku goosano, oo xildhibaanadiina aad la soo baxdaan, oo madaxweynaha aad