GORGORTANKA AY XULUFADII XIRSI KULA JIRTO WADDANI OO SABABAY DIB U DHAC MAR KALE KU YIMAADA SHIRKII GOLAHA DHEXE EE XISBIGA

0
225

Shirweynihiii golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa markii labaad  waxa ku yimi dib-u-dhac, kadib markii  kaadirka xisbigu ku guuldarraystay inay furdaamiyaan khilaaf ka taagan mansabyo la doonayo in cid gaar ah loo xidho, isla markaana ay xubno uu hoggaaminayo Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan codsadeen inay u baahan yihiin wakhti ay shirkaas ugu soo diyaar garoobaan. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ay soo xiganayaan warbaahinta sida gaarka ah ugu xidhan kaadirka xisbiga WADDANI, waxa dib-u-dhaca shirweynaha sababteeda ugu weyn iska leh kooxda uu Xirsi hoggaaminayo oo la filayo inay maalinta berri oo khamiis ah  amaba sabtida soo socota xisbiga kusoo biiraan, kuwaas oo hoggaanka xisbiga ku cadaadiyey inay shirweynaha dib udhigaan,.

iyada oo ay taas ku lammaan tahay xubno si hoose u ogaaday in boosaska ay hayaan loogu ballan qaatay xubno kale oo soo galooti ah  iyo weliba qaar loo sheegay inaanay ku tartami karin boosas ay hungureeyeen. Xoguhu waxa ay intaas ku dareen in shirweynaha xisbiga oo markii hore u astaysnaa 10-11-ka bishan aynu ku jirno ee October loo riixay 20-21-ka bishan, iyada oo muddo toban maalmood ah lagu siyaadiyey xilligii rasmiga ahaa ee hore loogu qoondeeyey. Ex. Wasiir Xirsi iyo xubnaha daba-socodka u ah,

ayaa laftoodu doonaya inay muddadaas shirweynaha dib loo dhigay hoggaanka xisbiga WADDANI kala xaajoodaan arrimo dantooda ah oo u badan sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen shirweynaha,

isla-markaana u ergooyinka shirweynaha ka qaybgelaya xubno ugu  darsan lahaayeen. Wararka u dhuun daloola arrimaha xisbiga WADDANI, ayaa sheegaya in is-fagaran waa adagi ka taagan yahay cidda heli doonta xilal muhiim loo arko oo rag tiro badani isku haystaan, kuwaas oo kaadirka xisbigu cid gaar ah usii carbuunay,

waxase haatan la isla gartay in muddo toban maalmood ah lagu xalliyo dhammaanba qabyooyinka la arki karo  ee qaban-qaabada shirka ku jira. Xilalka ilaa haatan lagu guulaysan kari la’yahay in cidda kaadirka xisbiga calmaday loo cimaamado, ayaa waxa kamid ah kursiga madaxweyne-ku-xigeenka oo ilaa haatan uu Axmed Muumin Seed ka hadhi la’yahay iyo xog-haya guud oo xubnaha uu Xirsi hoggaaminayaa codsadeen in bannaanka loo dhigo,

balse waxa arrintaas kasoo horjeeda Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo isagu xilkan haatan haya. dib-u-dhaca markii labaad lagu sameeyey shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa dhibaato weyn waxa uu ku yahay ergooyinka kasoo kicitimay dalalka qurbaha, kuwaas oo fasaxyo wakhtiyo kooban ah soo goostay, isla-markaana aan diyaar u ahayn wakhti kale dalka sii joogaan, maadaama oo ay shaqooyin iyo arrimo kale oo danahooda ah ka yimaadeen.

Xigasho Wargayska Hubaal Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here