Guddida Fulinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Go’aan Ka Gaadhay Xilka Iyo Xubinimada Xoghaya Guud

0
705

Guddida fulinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa goor dhawayd go’aan ka gaadhay xilka iyo xubinimada uu xisbigaasi ka hayey xoghayihii guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Shir ay iskugu yimaadeen guddida fulinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu shir gudoominayey gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu go’aamiiyey xil ka qaadista lagu sameeyey xoghayihii guud ee xisbigaasi.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo shirkaasi, 36 xubnood oo ka mid guddida fulinta xisbiga Waddani oo ka soo qayb galay shirka ayaa 34 ka mid ahi waxay u codeeyeen in xilkii,xubinimadii guddida fulinta, xubinimadii golaha iyo xilkiiba lagaga qaado Maxamed Cabdilaahi Uurcade, halka ay

1 xubin ka aamustay gudoomiyuhuna aanu codayn.

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codka loo qaaday xoghayaha guud ee Waddani, isaga oo xusay in soo jeedintu xilka lagaga qaadayna ay ka timid hogaanka xisbiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here