Guddiga Fulinta KULMIYE oo Go’aamo ka soo Saaray Labadii Guddoomiye-ku-xigeen ee 2aad iyo 3aad xisbiga

0
330

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xisbiga KULMIYE (Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL)
April 10th, 2016

War-saxaafadeed

Ujeedo: Go’aanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE.

Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo shir isugu yimi xalay, April 9, 2016, waxa ay dood iyo falanqayn ka galeen eedayn sharci jabin ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga oo hore loogu gudbiyey.

Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada XL.14/2011, qodobka 2-aad, faqradiisa 4-aad, qodobka 9-aad, faqradiisa 5-aad, qodobka 10-aad, faqradiisa 3-aad iyo 4-aad, iyo qodobka 25-aad, faqradiisa t.

Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Dastuurka Xisbiga KULMIYE, qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad, qodobka 13-aad iyo qodobka 25-aad, waxay go’aan ku gaadheen:
12987032_218999731797087_8671188776851049791_n
– In mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenkii 2-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.

– In mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye-ku-xigeenkii 3-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.

Allaa Mahad Leh.

Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
__________________________

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here