Badhsaabka Gobolka Togdheer Soo Dhawayn Xad Dhaaf Ah U Sameeyay Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ucid Eng Fayasal Cali Waraabe

0
302

Burco(Ceelgardinews.com) Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeayay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer .

Soo Dhaweenta Gudoomiyaha oo si wayn looga Dareemay Magaalada Burco ayaa ahayd mid aanay Bulshada Reer Burco u kala hadhin, waxaana hor kacayay Badhasaabka Gobolka Maxamed Ibraahim Qabo , iyadoo ahayd mid ay iskood isku abaabuleen Bulshadu oo aan ku jirin qorshaha Waftiga Gudoomiye Faysal Hor kacayo .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Mudane Aadan ayaa weedho soo dhaween ah ku soo dhaweeyay Gudoomiye Faysal iyo Waftiga uu hogaaminayo .

921
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Magaalada Burco ugu warramay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu mahad naqayaan Bulshada Burco isagoo faahfaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda Burco .
“ Waxaanu u nimid waxaa weeyaan , waxaan ku leenahay xaflad aanu qaabili doono dad xisbiga soo galayaan , iyo murashaxiin tartamaya Doorashooyinka Golaha wakiilada ,.” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

346
Gudoomiyahaa ayaa waxaa intaasi ku daray “ Intan kale ee lagu daray ee soo dhaweenta kumaanu talo galin , waa ku mahadsantihiin , annagu waanu soo dhameesannay soo dhaweenta iyo is dabayaacaas uma xiisoono moogtahay , markaa idinkaa is xilqaamay , lacagna soomaanaan dirin , xafladaasunbaanu u nimid , aadna waanu idiinku mahad naqaynaa Shacabka Burco , Anigu waxaan idhaahdaaba Burco waa Xareedda Somaliland ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa ku dheeraaday abaaraha ba’an ee ku habsaday Bulshada Reer Somaliland isagoo bulshada ugu baaqay in rabbi loo noqdo oo la waydiisto Raxmadiisa .

Si kastaba ha ahaate Socdaalka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku yimid Gobolka Togdheer ayaa qeyb ka ah Dar-dargalinta Hawlaha Xisbiga maadaama ay Xisbiga ku soo wajjahanyihiin Doorashooyin waawayn oo kala ah Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada .