Guddomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada oo ka Qaatay Masuuliyinta Gobolka iyo Degmada Togdheer

0
373

Waxaan Maanta kulan muhiim ahaa la qaatay Isuduwayaasha Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawlada Ee Burco, Gobolka Togdheer kaas oo laga wada hadlay baahiyaha shaqaalaha, tayaynta adeega shaqada iyo In aan ugu danbayn la wadaago ujeedada safarkayga oo ahayd Hirgelinta iyo Aasaaska Machadka Shaqaalaha Dawlada Ee Gobolada Barriga oo xaruntiisu noqonayso Magaalada Burco. Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Gudoomiyaha Gobolka Hamse Walaaleeye, Ku xigeenkiisa iyo Xoghayaha Gobolka oo run ahaan ku guulaystay gelisay dhismaha laga yagleelayo xarunta tababarka shaqaalaha Ee gobolada barriga. Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Burco Maxamed Muraad oo balan qaaday inuu Dayr Ku sameeyo dhismaga guriga ah Ee laga hirgelinayo xarunta Tababarka. Waxa kale oo aan kulan la qaatay isuduwaha Hay’adda shaqaalaha ee togdheer iyo shaqaalaha Hay’adda shaqaalaha Ee Burco oo runtii aan ka dhagaystay warbixin iyadoo aan u balan qaaday kuna war geliyay in bishan inta aanay dhamaanan dibu habayn, qalabayn iyo gaadiid cusub oo xafiiska lagu kabo si ay shaqadu ugu sii fududaato aan soo gaadh siin doono iyagana laga rabo inay juhdi, u hagar bax iyo dadaal geliyaan Kormeerka shaqada, dhagaysiga cabashada shaqaalaha iyo guud ahaan wada shaqayn ay la yeeshaan isuduwayaasha iyo maamulka Gobolka iyo degmo.