Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Socdaal uu Saaka Ku Tagey Berbera Tacsi Gaadhsiiyey Eheladii iyo Qaraabaddii Marxuun Taliye Caseyr.

0
330

Berbera(Ceelgardinews.com):-Wefti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroornimadii hore socdaal uu ku tagay magaalada Berbera, waxa uu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiiyey qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxay Alle ha u naxariistee taliyahii Booliska ee qeybta Berbera Gaashaanle Cabdirisaaq Cayseyr oo ay eheladiisii ku sugan yihiin magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

12800233_995995850480545_748270952667736292_n
Ujeedka socdaalka guddoomiyaha oo kaliya ahayd gaadhsiinta tacsi tiiraanyo leh eheladdii iyo qaraabaddii uu ka baxay Marxuum Caseyr, ayaa Waxa socdaalkiisan ku wehelinaayey xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo sida oo kale xoghayaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Siciid Ayaanle

12800302_995995790480551_5541391632468079514_n
Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo warbaahinta la hadlay ka dib tacsidaasi, ayaa waxa uu yidhi:“Ujeedka safarkeygu waxa uu ahaa, in aanu ka soo qeyb-galno soona gaadhsiino tacsi tiiraanyo leh eheladdii iyo qaraabaddii uu ka baxay taliyahii qeybta Booliska ee gobalka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Caseyr oo aanu marka hore lee nahay Illaahay godka ha u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana ha ka waraabiyo, qoyskii, qaraabaddii iyo dhammaanteenbana samir iyo iimaan innaga siiyo, waxaana aanu u nimi uun in aanu ehelka iyo qarankaba aanu kala soo qeyb-galno tacsidiisii oo ay odeyaashii aanu maanta halkan kula kulanay, u jeedo kalena u maanan iman oo aan ahayn in aan tacsidan soo gaadhsiino eheladiisii, waan markii labaad oo aan tacsiyadeynaayo Marxuumka.

12821473_995995770480553_1634080207882246582_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here