Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland (JSL), Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay

0
72
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland (JSL), Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay isu-duwayaasha laamaha dawladda iyo maamulka Gobolka Awdal.
Waftigan waxa Guddoomiyaha ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Siciid Muuse Xoosh, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda shaqaalaha dawladda JSL.
Ujeeddada socdaalka waftigan ayaa ahayd sidii loo hirgelin lahaa barnaamijka maamul-daadejinta adeegyada ay dawladdu u qabato shacabka, si loo fududeeyo helitaanka adeegyada muhiimka ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Siciid Muuse Xoosh, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka iyo hannaanada loo hirgelinayo barnaamijka maamul-daadejinta, iyada oo la fulinayo ballanqaadkii Madaxweynaha JSL ee ahaa in adeegyada dawladda laga heli doono dhammaan gobollada dalka, gaar ahaan Gobolka Awdal.
Dhanka kale, masuuliyiinta laamaha dawladda ee Gobolka Awdal ee kulanka ka qaybgalay ayaa u mahadceliyay waftiga uu hoggaaminayay Guddoomiyuhu, iyaga oo uga warramay xaaladaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala xarumaha dawladda ee gobolka.
Ugu danbayn, guddomiyaha ayaa masuuuliyiinta iyo isuduyaasha laamaha dawladda gobalka awdal kula dar-daarmay ka warhaynta shaqaalaga ay masuulka ka yihiin iyo inay ku ilaaliyaan waajibadka shaqo ee ay qaranka u hayaan.