Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Somaliland, Dr. Aadan Axmed Daahir, ayaa sheegay in dhismaha dawladnimo adag uu ku xidhan yahay jiritaanka hay’ado dawladeed

0
39
Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Somaliland, Dr. Aadan Axmed Daahir, ayaa sheegay in dhismaha dawladnimo adag uu ku xidhan yahay jiritaanka hay’ado dawladeed oo ku shaqeeya sharciga iyo mabaadi’da maamul-wanaagga.
Waxa uu yidhi “Waa in la helo hay’ado dawladeed oo ku shaqeeya sharciga iyo nidaamka maamul-wanaagga.”
Guddoomiye Aadan Axmed Daahir, oo maanta ka hadlayay munaasibad ay wasaaradda Warfaafinta kula saxeexdeen heshiis iskaashi, ayaa tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in la helo masuuliyiin dawladeed oo si xilkasnimo, daacadnimo iyo caddaalad ku dheehan tahay ugu adeega bulshada ay matalaan.