Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hawl-galada Safaarada Norway

0
446

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hawl-galada Safaarada Norway Mr Haakon Svane, oo booqasho ugu yimid.

Kulanka oo ahaa kii u horeeyay ee labada masuul ay yeeshaan, ayaa ku qotomay xoojinta is-kaashiga wanaagsan ee u ka dhexeeya labada dal, waxaana diirada lagu saaray sidii mustaqbalka loo sii ambaqaadi lahaa, wadashaqaynta wanaagsan ee ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Norway. Madaxa hawl-galada Safaaradda Norway ayaa guddoomiyaha uga mahad-naqay kulanka uu la yeeshay, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay xoojinayaan is-kaashiga ay la leeyihiin Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here