Guddoomiyahii dhawaan loo doortay guddoomiyaha beelaha Habar-yoonis iyo Ciise Muuse Odey Cabdirisaaq Jaamac Cawl,(Candhagal) Oo Xoriyadiisi Dib U Helay Ka Dib Markii Habeenkii Xalay Xabsiga Loo Taxaabay

0
370

Burco (Ceelgardinews.com) Guddoomiyahii dhawaan loo doortay guddoomiyaha beelaha Habar-yoonis iyo Ciise Muuse Odey Cabdirisaaq Jaamac Cawl,(Candhagal)   Oo Xoriyadiisi Dib U Helay Ka Dib Markii Habeenkii Xalay Xabsiga Loo Taxaabay

-Guddoomiyahii dhawaan loo doortay guddoomiyaha beelaha Habar-yoonis iyo Ciise Muuse Odey Cabdirisaaq Jaamac Cawl, ayaa xalay goor dambe oo habeenimo ah ay gurigiisa oo ku yaala   magaalada Burco ay kala baxeen ciidanka RRU-da ee Booliska Somaliland.

Illaa hada ma jiraan warar amuurtan la xidhiidha oo ku saabsan sababta ciidamadu ay gurigiisa ugu soo daateen odey dhaqameedkan, balse waxa jirtay in uu ka gows adeygay ka qeyb-qaadashada soo dhaweyn magaalada Burco maanta looggu sameynaayey Murashaxii hore ee laga soo  Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaana uu ay wararku iftiiminayaan loo taxaabay saldhigga dhaxe ee magaalada Burco.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in odey dhaqameedkan ay si toos ah u soo xidheen badhasaabka gobalka Togdheer iyo xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Burco oo labaddooda ba ay isku hayb yihiin.

Guddoomiyaha guddida beelaha Habar-yoonis iyo Ciise Muuse Odey Cabdirisaaq Jaamac Cawl, ayaa lagu doortay shirkiid dhawaan ay beelahaasi ku qabsadeen magaalada Burco.