Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Gaadhi Cusub Oo Laanguruusal Ah Ku Wareejiyay Booliska Gobolka Saaxil.

0
342

Berbera (Ceelgardinews.com) Badhasaaka gobolka Saaxil ayaa gaadhi laancuruusal ah ku wareejay taliayaha qaybta Bilayska Mursal iyadoo ay Goobjoogna Ka ahaayeen saraakiisha sar sare ee Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil.

Gudoomiyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay hawsha ay qaranka uhayaan waxaanu ku amaanay sida ay ugutaan shaqadooda, waxaanu umahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay sidii uu gaadhigan ugu iibin lahaa Ciidanka.

Taliyaha qaybta Booliska ayaa isna dhankiisa uga mahad celiyay badhasaabka gobolka Saaxil dadaalka uu ugalay Gaadhingan cusub sidii ay uheli lahaayeen ciidanku, waxaanu taliyuhu intaasi raaciyay in ay baahi badan uqabeen gaadhigan una fududayn doono hawlaha.

Saraakiisjha sare e Ciidanaka iyo Taliayaa  Shasaldhigyada ayaa Sidoo kale u Mahadnaqay Gudoomiyaha gobolka saaxil  Jamac yuuusduf  Axmed  oo Muadadii u Joogay Gobolka waxbadan u qabtay

Mudadii koobnayd ee uu Gudoomiye Jaamac Yuusuf Axmed joogay gobolka waxa kale oo uu gawaadhi ku wareejay Jaamacada Badda, waana masuulkii ugu da’da yaraa ee gobolka Saaxil ka noqda Badhasaab intii Somaliland Jirtay

 

CEELGARDINEWS.COM

BERBERA Office