Gudoomiyaha Havayoco oo madaxwaynaha kula dardaarmay kobcinta Barashada Xirfadaha iyo La dagaalanka Musuq maasuqa

0
318

Gudoomiyaha Havayoco Cabdilahi Maxamuud xasan oo ka qayb galay xuska maalinta dhalinyarada somaliland oo si wayn looga xusay magaalasa hargeisa iyo guud ahaan somaliland ayaa ka jeediyay khudbad qiimo badan madashaasi oo madaxwaynaha somaliland goob joog ka ahaa wuxuuna madaxwaynaha kula dardaarmay in la dhiirigaliyo barashada farsamada gacanta oo horumar balaadhan ay ku gaadheen wadamada horumaray Cabdilahi Maxamuud Xasan wuxuu yidhi

“Mudane Madaxweyne Waa in la xoojiyo Dugsiyada Farsamada Gacanta iyadoo Awooda la saarayo Xirfadaha Wax-soo saarka Kalluunka,Beeraha,Xoollaha iyo Macdanta”

Sidoo kale wuxuu madaxwaynaha u hogol tusaaleeyay in la dagaalanka musuq maasuqu qayb wayn ka qaato koboca dhaqaale ee wadan leeyahay wuxuuna madaxwaynaha u soo jeediyay inuu meel adag iska taago sidii uu u suulin lahaa musuq maasuqa

“Waana in la barbar waddo koboca dhaqaalaha la dagaalanka Musuqmaasuqa,Korna loo qaado fidinta Maamulka Wanaagsan ee ku dhisan Sinaanta iyo Cadaalada”

Cabdilahi Maxamuud Xasan ayaa inta badan u dhaq dhaqaaqa sidii dhalinyarada loo horumarin lahaa iyadoo hay’adiisa Havayocana qayb wayn ka qaadato sidii ay dhalinyaro aqoon xirfadeed iyo aqoon guudba ugu soo saari lahayd bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here