Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ayaa Fasaxay Shaqaalaha Dawlada Xuska Maalinta Micraajka Nabiga Scw

0
345

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ayaa Fasaxay Shaqaalaha Dawlada xuska maalinta micraajka nabiga scw

qoraal kooban oo uu soo Gaadhsiiyay warbaahinta ayaa u dhigna sidan

“Wargelin Fasax
Maalintii la Dheelmiyey Nebi Maxamed NNKH الإسراء والمعراج

Iyada oo Maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 27/Rajab/1439 kuna beegan 13/04/2018 ay tahay maalintii Nebigeenii NNKH loo dheelmiyey Sammada si uu Alle SWT ula soo kulmo

Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo qiimaynayaa maalintaa boqran isla markaana ka warqaba in ay kamid tahay fasax sanadeedka shaqaalaha dawladda, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 14/04/2018 ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonaan shaqadii maalin-laha ahayd

Maalintan oo ku beegan beri oo Jimce ah ayaa fasaxa loogu riixay maalinta Sabtida maadama Jimcuhu aanu kamid ahayn maalmaha shaqo.

Shaqaalaha Dawladda meel ay jooganba Waxaan u rajaynayaa Cizi, Cibaado iyo Caafimaad waxaanan Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here