Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo ku dhawaaqay Dhamaystirka Tirintii iyo Tirakoobkii Shaqaalaha Dawlada + Video

0
388

Haayada Shaqaalaha Qaranka Somaliland oo Soo Gabogabeeyey Guurayntii , Galab Carawgii iyo Geedi Socodkii Ogaanshaha Shaqaalaha Dawlada

22-kii January illaa 1-dii April oo ku siman muddo 70 cisho ah iyo hawl-qabadkii aan u ballanay oo si habboon u soo dhammaaday.

– Illaahay Mahadii Waxaa maanta oo Axad ah, taariikhduna tahay 01/04/2018 si habsami ah u soo dhammaaday hawl-qabadkii hay’adda shaqaalaha dawladdu ku gaadhaysay gobol, guri iyo geed walba taasi oo looga gol lahaa tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo.

– Intii hawshu socotay, waxa aanu gaadhnay xubin iyo xarun walba oo shaqaale dawladeed joogo, waxa aanan soo ogaanay xaalka iyo xirfadda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kala duwan ee dawladdu

– Waxa aanan soo aragnay baahi, baylah iyo barkhad inta ay qabaan.

– Ka sakow diiwaangelinta shaqaalaha dawladda, waxa aanu soo helnay inta caagle iyo caajis shaqaalaha dawladda ku jiray, kuwaas oo si hufan loo buuxin doonno.

– Waxaaan u mahadcelinayaa; hawl-wadeennadii sida naf-hurnimada le geedi, galab-carow iyo guuro u galay in ay gaadhaan gobol iyo goob walba iyaga oo aan hagrasho, habrasho, hiif iyo haraad midna lahayn.

– Maalinta Salaasada oo ku beegan 3/04/2018 ilaa Arbacadda toddobaadka dambe oo ku beegan 11/04/2018, waxa aanu dib u eegis ku samayn doonnaa cid walba oo dib u eegis u baahan halkaas oo toddobaadka dambe 11/04/2018 si rasmi ah loo soo xidhi doonno hawl-qabadkan isla markaana la bilaabi doonno xog-xarayntii “Data Entry” iyo kala haadintii “Data Analysis”

Hambalyo
Somaliland Shaqaalaheeda ugu dambayn waxaa lagu diiwaangeliyey nidaamka ugu casrisan ee dunida lagu diiwaangeliyo dadka “Biometric Registration “

Qorshe fulay iyo hawl-qabad qurux ku soo dhamaaday…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here