Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo maanta Warbixin ku saabsan wax-qabadka hay’adda shaqaalaha iyo hiigsigeeda siiyey Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida +Video

0
315

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo maanta Warbixin ku saabsan wax-qabadka hay’adda shaqaalaha iyo hiigsigeeda siiyey Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida

Kulan balaadhan oo  maanta ka qabsoomay xarunta golaha guurtidu ku leeyihiin caasimada Hargeysa ayaa Guddida joogtada ah ee golaha guurtidu warbixin kaga dhegeysteen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo ay wehlinayaan guddida sare ee hay’addu.

Kulankan ayaa gudoomiyuhu warbixin faahfaahsan ka siiyay guddida joogtada ee golaha guurtida aasaaskii hay’adda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, qorshaha dhaw, hiigsiga fog ee hay’adda iyo sidoo kele shaqada ay imika gacanta ku hayaan.

Gudoomiyaha ayaa golaha u faahfaahiyay qorshaha hay’adda ee xulidda shaqaale xirfad leh isla markaana ku dhisan qalin aan qabiil lahayn, isaga oo sidoo kalena si qoto dheer uga tibaax bixiyey qorshaha ku aaddan tirinta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda.

Xildhibaanada ayaa su’aalo waydiiyey gudoomiyaha iyaga oo dhanka kelena ku bogaadiyey xilka u qaranka u hayo iyo dedaalka uu sameeyey intii uu xilka hayey

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here