Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Siwayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalo Madaxda Maraykanka Ee Washiton DC (Sawiro). –

0
330

Washiton(Ceelgardinews.com)Gudoomiye Cabdiraxmaan iyo waftiguu hoggaaminayay oo hadda ku sugan Washington DC wuxuu halkaas kula kulmi doonna jaaliyada reer Somaliland maalinta

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo bisha Apriil tahay 26 si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda Maraykanka ee Washington DC. Waftigan uu hogaaminayo Godoomiye Cabdiraxmaan ayaa socdaalkoodu noqon doonnaa mid ay marka kore la kulmaan madaxda sar-sare ee dowladda Maraykanka kadibna wuxuu la kulmi doonnaa jaaliyada reer Somaliland ee ku nool magaalooyinka Virginia, Washington DC, Seattle Washington, Columbus Ohio iyo Minnesota isagoo halkaas kala qayb gali doonna u diyaar garowda iyo dabaal-dega 18 May 2016.

Gudoomiye Cabdiraxmaan iyo waftiguu hoggaaminayay oo hadda ku sugan Washington DC wuxuu halkaas kula kulmi doonna jaaliyada reer Somaliland maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay April 29. Kadibna wuxuu uga sii gudbi doonna Seattle, Washigton state maalinta sabtida Apriil 30 isagoo halkaasna kulan kula qaadan doonna Jaaliyada halkaas ku

dhaqan.

Haddaba, Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool ag-agaarka Washington DC (DMV) waxaa la ogeysiinayaa in maalinta Salaasada (Tuesday) Apriil 26, 2016 uu iman doono Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro). Gudoomiyuhu wuxuu Washington joogi doonnaa afar cisho (4 days) isagoo kulan balaadhan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland habeenka jimcaha Apriil 29, 2016.

 

Cinwaanka goobta xaflada waa:

Waterford Springfield, Virginia

Address: 6715 Commerce St, Springfield, VA 22150

Phone:(703) 719-5700

Time: 07: 00pm

Mahadsanidin,

Somaliland Community Greater Washington DC