Gudoomiye Cirro Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Kusoo Maray Goobaha Ay Ka Bilaabmatay Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Magaalada Borama

0
374

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey isla mar ahaantaana maalmahii ugu dambeysay socdaal ku jooggay magaalada Boorama, ayaa saaka kormeer ku soo maray goobaha laga wado diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo maanta si rasmi ah uga billaabantay guud ahaan gobalka Awdal.

Weftigan guddoomiyaha oo ay ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabyada  haweenka iyo dhallinyarta, madaxda heer gobal ee xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan

Ugu horreyna weftigan oo ku guddo jira kormeerkiisa diiwaan-gelinta, ayaa markiiba waxa ay dadweyne aad u tira badan oo isagu jira dhallinyaro, haween iyo arday aad u tira badan ay weftiga guddoomiyaha ku qaabileen soo dhaweyn aad u diiran, iyaga oo ku dhawaaqayey hadalo ay ku taageerayaan xisbiga WADDANI, sida oo kalena lu laaya astaanta u gaarka ah xisbiga WADDANI ee midabka liimiga ah iyo caleemo qoyan.

“Soo dhawoow guddoomiye…..WADDANI….WADDANI….WADDANI, soo dhawoow, soo dhawoow, WADDANI…WADDANI…WADDANI, waxa aanu nahay WADDANI….WADDANI, ku soo dhawaada gobalkiina, ku soo dhawaada gobal uu xisbiga WADDANI iska lee yahay, WADDANI…WADDANI, waxa aanu nahay WADDANI.”.Ayey ku dhawaaqayeen qaar ka mid ah dadweynaha soo dhaweynaayey.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa markiiba salaam diiran la dhex-maray dadka ku jira safafka dhaadheer ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isaga oo ku dhiirinayey qaadashada kaadhka , isla mar ahaantaana ay xaq u lee yihiin in ay qaataan hal kaadh oo qudha sida oo kalena aanay ku noq-noqonin qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha si aanay u khasaarin cododkoodu.

“Waad ku mahadsan tihiin soo dhaweyntiina, waxaana aan idin kula dardaarmayaa in aan qaadataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, idinka oo dhowraya nidaamka isla mar ahaantaana aan ku laba jeer celinayn si aanu innooga khasaarin codka bixinta ee doorashooyinka foodda innagu soo haya.”.Ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

 

Waxaana uu guddoomiye Cirro uu mid mid gudaha ugu galay una booqday goobaha ay ka socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu, isaga oo horjoogayaasha goobahaasi ka dhagaystay warbixin la xidhiidha qaabka ay u shaqeynayaan iyo waxyaabaha ka cabanayaan hadii ay jiraan, waxaana uu ugu dambeyntii ku guubaabiyey in ay sii laban laabaan una dhabar adaygaan hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan isaga oo ku dhiiriyey in ay mar walba de dejiyaan bixinta iyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Ugu dambeyntiina, guud ahaan magaalada Boorama gaar ahaana goobahii uu saaka guddoomiye Cirro soo booqday, ayaa si weyn loogga dheehan karaayey sida ay reer Boorama diyaarka ugu yihiin in isbedel dhabba ay uu ka dhasho qaranka Somaliland isla mar ahaantaana ay iyagu hormuud ka noqdaan isbedelka ay shacabka doonayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here